Sida Afrika Ganacsi Guulaysta Loogu Bilaabo Lacag 100$ iyo in Kayar.

Waxaa jira laba aragti oo inta badan lala xiriiriyo Ganacsiga guulaysta.

  1. Mid waa inaad u baahan tahay xaddi raasumaal/maalgelin.
  2. Midka kale waa in aad mudo dheer ku dhex jirtaa suuqa una adkaysataa dhibaatooyinka duruufaha suuqa aad kala kulmayso si aad u gaarto guul.

labadaa qodob daraadood dad baa jira aan weli ku dhicin inay bilaabaan ganacsi iyagoo ka dhiganaya cudurdaar inaysan haysan lacag aad ku bilaabaan ama waqti dheer aysan u hayn inay hal ganacsi oo hanaqaadin iska dul fadhiyaan. hadaba halkaan waxaan idiinkula wadaagaynaa 5 ganacsi oo lacag yar lagu bilaabay kadibna hanaqaaday.

1. Wuxuu kaharay Dugsiga/Iskuulka wuxuuna aasaasay shirkad Caymis ah (Magnate Insurance)

Sannadkii 2007, Heshan de Silva waxa uu ka haray dugsigii/iskuulkii uu aadi jiray kadib markii ay  arrimuhu ku xumaadeen isagoo jooga wadanka Maraykanka, waxa uu dib ugu soo noqday wadanka Kenya oo ay waalidkiis ku noolaayeen si uu noloshiisa dib ugu saxo.

xiligaas wuxu jiray 18 sano, waalidkii waxa ay siiyeen 10,000 oo Shilinka Kenya ah una dhiganta $116 si uu noloshiisa ugu maareeyo kadib wuxuu ku bilaabay lacagtii ganacsi cusub.

Waxa uu bartilmaamsaday qaybta socdaalka basaska ee dalka isaga goosha, isaga oo iibinaya tigidyo caymis uu ku lifaaqan yahay, xiligaasna ma jirin shirkad samaysa caymiska tigidhada, dubra waxaa isha ku qabatay warbaahinta wadanka. Waxaa warbaahinta si weyn u hadal haysa in sanadkan uu ganacsigiisa soo xareeyay lacag dhan 90m oo Shilinka Kenya ah (US$1.05m).

Ganacsiga kubilowday lacagta sidaa uyar in sadan gudihiis uu soo xareeyo lacag dhan $1.05M sow ma ahan wax qariib ah!?

Heshan ayaa tan iyo markaa kadib  lacagtaas ku maalgeliyay ganacsigiisa cusub ee De Silva Group , oo ah shirkad ganacsi. Heerka waxbarasho ee Heshan ma ahany mid dhamaystiran, lacag maalgelin saas ubuuran ma uusan ku bilaabin, waayo aragnimo balaaran uma uusan lahayn nolosha, intaas oo qodob iyada oo ay jiraan hadana kama hor istaagin in uu mudo gaaban ganacsi ku sameeyo hadana ku bulaalo ganacsigiisa, wuxuuna ku mutaystay in lagu soo bandhigo CNN iyo wargeyska cabira taajirnimada shaqsiyaadka dunida ee layirahdo Forbes Magazine isaga oo kamid ah dhalinta da’ada yar ee guulaha kasoo hoyay qaaradda Afrika.

2. Dhisidda Shirkad Suuqgeyn oo Heer Sare ah

Abasiama Idaresit wuxuu shahaadada MBA kaga qalin jabiyay Dugsiga Ganacsiga ee Manchester wuxuuna dib ugu laabtay Nigeria 2010 si uu u bilaabo ganacsigiisa. Maanta, isagu waa aasaasaha iyo maamulaha Wild Fusion.

Lacag intee la eg buu ku bilaabaybal qiyaas?

Sannadkii 2010-kii waxa uu shirkaddiisa ku bilaabay lacag yar oo ahayd hadyad dhan $250 oo uu ka helay hooyadii, markuu shirkadda aasaasay waxa ay ku qaadatay 8 bilood in uu galo heshiiskii ugu horreeyey ee xayaysiin ah. Saddex sano uun ka dib, waxaa heshiisyo usoo bandhigay shirkadaha kala ah Visa, Vodafone, Samsung iyo Unilever iyo sidoo kale dhawr shirkadood oo waaweyn oo Pan-African ah ayaa macaamiishiisa kamid ah xiligaan, hantida shirkadiisa waxa lagu qiimeeyaa in ka badan $6 milyan oo dakhli ah.

Maskaxdaada waxaan galayn in $6 malyan uu hanti ahaan u haysto isagoo ku bilaabay lacag hadiyad aad u yar o ahayd $250. Marka dib loo milicsado aasaaskii shirkadda waxaa kasoo wareegtay laba iyo toban sano waxayna hadda heshiis shuraako kula jirtaa shirkadda Google qaybteeda Afrika.

3. Silsilado Dukaamada Dayactira Telefanada Iyo Ipodska.

sheekadaan waxay ka tarjumaysa dhib walba oo kusoo wajaho in xal leeheli karo, xal raadintaas waxaa macquul ah in aad ka dhex heshid furihii noloshaada dhanka kale u rogi lahaa, Alex Fourie waa dhalinyaro udhashay wadanka loo yaqaan Koonfur Afrika, markay da’diisu ahayd 27 wuxuu ku guuldaraystay dhowr ganacsi uu horay isugu dayay.

waxaa cillad kaga timid ipod uu isticmaali jiray, wuxuuna u geeyay meelaha lagu dayactiro waxaana loo shegay inaan xal loo heli karin, isma uusan dhiibin oo wuxuu raadin ku bilaabay sida uu u hagaajin lahaa, wuxuu madasha Youtube ka baaray sida loo hagaajiyo Ipod yada wuxuuna helay dhowr fiidiyow oo looga hadlayo sida loo dayactiro, isku daygiisi wuu ku guulasytay oo wuxuu hagaagsaday ipod kii layiri lama hagaajin karo.

intaa kadib wuxu xayaysiin ama iidheh geliyay wargays gudaha wadanka ah, wuxuuna ku sheegay wargayska inuu dayactirayo telefanada iyo Ipod yada xumaaday, jawaabtii uu kahelay iidhehda ma noqon mid uu filayay oo waxaa xad dhaaf noqday dalabaadyada uu helayo.

markuu arkay in dalabaadka uu helayo ay aad ubadan yihin wuxuu go’aan kugaaray inuu diiwaan geliyo shirkadda iFix isagoo dagan guryaha gaamacadda uu dhigo, waqtigu wuxuu ahaa 2007 marka uu aasaasay shirkadiisa, shirkadiisa hadda waxay leedahay 8 xarumood waxaana ka shaqeeya 85 qof.

wuxuu shirkadiisa kusoo biiriyay qaybta wax soosaarka qalabka yaryar ee telefanada, wuxuuna udhoofiyaa 12 wadan qaaradda Afika kuyaalla.

hadii aad isleedahay lacag mahaysto oo ma awoodo inaan ganacsi sameeyo, alex ma uusan ku bilaabin wax lacag ah marka laga yimaado inuu xayaysiin geliyay wargays kuyaala wadanka.

Leave a Comment

Your email address will not be published.