ABAARAHA SIDEE LOOGA HORTAGAA?

Sanad walba waxaa geeska Afrika kusoo noqnoqda abaaro si ba’an u saameeya dad iyo duunyaba, waxayna ka tagaan raadad aan lagu mahdin, waxaa jira malaayiin isugu jira xoolo iyo dad unugul abaaraha, umana dulqaadan karaan harraadka iyo gaajada joogtada ah marka dhulka laga waayo baad iyo biyo.

Mar walba oo ay abaar dhacdo waxaan maqalnaa dadka abaaraysan haloo gurmado, waxaana looga soo gurmadaa dal iyo dibad, waxaana inoo sii dheer in wadamada qaniga ah lacago badan looga lunsado caawinta dadka abaaraysan oo dad gaar ah ay danahooda ka dhex arkaan in loo istaago caawinta maatada ku dhibaataysan abaaraha.

Waxaa loo xilsaaraa guddi isugu jira heer gobol ilaa heer federal, gudigaas oo shaqadiisu tahay inay dadka gaarsiiyaan baad iyo biyo, balse waxaad moodaa wixii ugu mudnaa in la ilaaway, taasoo noqonaysa in dhulka oomanaha ah laga tala bixiyo sidii dadka iyo duunyadaba looga samatabiin lahaa ama qorshe waara loogu samayn lahaa si aan sanadka xiga ama kuwa soo socda hadana aan loo qaylo dhaamin shacabka.

Maxaa ka qaldan bulshada

Waxaad arkaysa reer lagu leeyahay waxay leeyihiin tiro xoolo isugu jira Geel Lo’ iyo Ari hadana aad moodayso inay yihiin dadka xerooyinka qaxootiga kujira, waxay usoo shaxad tagayaan magaalada iyagoo leh xoolihii waxba kuma qabno.

Bal qiyaas qof aroor walba tirsanaya boqolaal neef oo xoolo ah hadana aan lasoo marsiin karin war dhowr neef bishiiba suuqa keen oo lacag aad raashin ku iibsato iyo baahiyahaaga gaarka aad ku daboosho ku iibi. waxaad moodaa in layiri ina hebel baa kaa tiro badan kugalaysaa naarta.

Dhanka beeralayda waxaad moodaa iyana inay ka seexdeen wax soo saarkii, walow la oran karo waxaa qoladaa dhuunta haya ganacsato wadanka aan u ogolayn in wax laga soo saaro, shay walba waxay ka keenayaan wadanka banaankiisa. waxaad moodaysaa in layiri in wadanka wax laga soo saaro waxaa ka qiiyo badan in aad wax soo dhoofsato oo layirahdo hebel waa beecmushtar.

Hay’adaha mucaawinada keena.

Marka la isyirahdo waxaa soo go’aya dalag wanaagsan, ayaad maqlaysaa suuqa oo lagu soo daadiyay badar waqtigiisi dhaafay oo juwaano cusub lagu soo shubay kuwaaso wadanka inta mar hore lasoo geliyay baqaaro lagu kaydiyay, arintaas waxaa badanaa iska kaashada ganacsato aan lahayn damiir oo dan u arka inay lacag yar kusoo iibsadaan raashiinkaa dhacay kadibna ay qiimo yar saartaan o saas ay kaga faaidaan, maskiinkii sadanka lasoo tacaalayay beerta waxaa qabanaysa inuusan waa danbe abuur iyo beer tabac uusan u noqon.

Baraha kontorolada iyo Isbaarooyinka

Marka beeralaydu soo raraan badeecadooda waxaa sugayay dhowr qarash oo kala duwan, waxaa ugu horeeya gaariga alaabta usida, marka wadada cagta lasoo saaro ayaa waxa magaalada barta looga baxo ufadhiga xafiis kumagacaaban xafiiska canshuuraha,waxaa laga qaadaa lagac aan cayimanayn oo lagu sheegay inay tahay canshuurta degmada, waxaa kadib meel dhexe kusugaya qolo kale oo tirahda waxaa canshuurta wadada, waxaa usii xiga canshuurta gobolka waxaa usii raacaya isbaaro leey, intaas oo qarash marka uu soo galo waxaa suuqa u fadhiya dulaal calool wayn oo aan waxaas dan kalahayn, wuxuuna usheegaya qiimaha loogala wareegayo badeecada. Maskiin baa misko lafuulo leh baa horay looyiri , wax fursad ah uma banaana in uu iska wareejiyo badeecadda waxaan ahayn.

NOOCYADA ABAARAHA

ABAARO DABIICI AH

Abaaraha saameeyaay deeganada Soomaalida degto inta badan waxay ku yimaadaan arimo daciibi ah, marka dib loo eego taariikhda dhulka soomaaliyeed waxaa soo maray dhowr abaarood oo aad ukala duwana saamayntoodana lahaa. waxaana usabab ah in dadka iyo dalkaba lagu tiirsanaa xiliyada roobabka oo dadku aysan aqoon ama ku xisaabtamin hababka kale ee biyaha loo helo ama loo raadsado.

QAABABKA CIMILADA OO ISBADAL KUYIMID

Hab qaybinta daruuraha roobka sida waxaa badanaa saameeya habka heerkulka biyaha badda iyo deegaanka, marka heerkulka uu isbadal kuyimaado oo meertada hawada ay noqoto mid aan habkeedi hore wareeg usamayn waxay saamayn kuyeetalaa habka daruuraha biyaha sida ushaqeeyaan, oo waxaa dhacda in daruurtii biyaha siday ay u wareegto degaan kale oo heer kulkiiisa iyo hab wareega dabayshiisu saxan yahay.

BAAHIDA BIYAHA XAD DHAAFKA AH

Abaaruhu waxay kaloo kadhalan karaan isku dheelitir la’aanta baadka lahaysto iyo baahida biyaha taagan markaa, dhanka tabaca dabiiciga ah waayahan waxaa kasii awood badinaya habka beeraha degdega loo tabco, arintaas waxay keenaysaa in baahida biyaha ay kor usii kacdo si daweynta dhirta lagu samaynayo aysan u samayn waxyeelo caafimaad, waxaad arkaysa in biyo badan loo isticmaalo beerista iyo ka nadiifinta sunta lagu buufiyay dhirta.

Daraasad ayaa sheegaysa in dadka kunool aduunka ay sanadkii isticmaalan biyo gaaraya 9,087 billion cubic meters, marka la eego biyo cabista dadka aduunka iyo biyo yarida kadhalatay isbadalka cimilada waxay meesha ka saaraysa dhirtii awoodda ulahayd inay ka qayb qaataan hab nololeedka aadanaha iyo habka cimilada udhismayso, biyo yaraantaan waxay dadka ku qasbaysaa in biyo fadhiisinadii iyo wabiyadii ay noqdaan kuwo si dagdag ah ku dhamaada.

XAALUFINTA DHIRTA IYO NABAAD GUURKA CIIDDA

Dhirta waxay qayb wayn ka qaadataa habka cimilada u samayso roobka, waxay soo daysaa hawo qoyan oo qayb kanoqda samaysanka roobka, balse waxaa mar walba xaalufin lagu hayaa dhirta oo loo isticmaalaa sababo kaladuwan, waxayna dhalaysa in meesha uu ka baxo ka qayb qaadashadii ay dhirta ka qayb qaadan jirtay roobka, waxaana meeshaa ka dhalanaya nabaad guur dhanka ciidda ah, waxaana fogaanaya biyihii fadhiyay gunta hoose ee dhulka, arinkaasna waxaa ka dhasha nabaadkuugra ciidda iyo geed gaabka, waxaana sahlanaata in dabaylo isdaba joog ah ku dhuftaan deegaankaas halkii roobab laga sugayay, dabaylahaas waxay jaraan ama hawada raaciyaan macdantii ciidda lahayd oo waxaa soo hara dhul oomane ah.

ISBADALKA CIMILADA

Isbadalka cimilada ayaa noqday mid aad looga walwalo mudooyinkii ugu danbeeyay, waxaana dhowr jeer looga wada hadlay golayaasha ay iskugu yimaadan madaxda caalamka, waxaana la isla afgartay in cimilada dunida isbadal wayn kuyimid taasoo sababi karta in heer kulka dhulku uu isbadalo, isbadalkaasna waxaa ka dhalan kara aafooyin dabiici ah, heerkulka isbadalaya wuxuu saamayn kuleeyahay biyaha dunida isticmaasho, kulaylka marka uu dhulka soo gaaro waxaa uumi baxaya biyaha fadhiya wabiyada, harooyinka iyo barafka dul fadhiya badaha, uumibaxaas dib uma soo celin doono biyaha hawada kumilmay waxaana ka dhalanaysa roob la’aan saamayn kureebi karta dunida oo dhan.

SAAMAYNTA MUSIIBADA ABAARAHA

ABAAR IYO MACLUUL

Abaaruhu waxay saameeyaan dalag beerashada, dalag beershada hadii ay hoos udhacdo ama lawaayaba biyo lagu beero dalaga waxaa imaanaya gaajo saamaynaysa dad iyo duunyaba, hadii ay gaajadaasi sii waarto waxaa imaanaya macluul ku habsata dad iyo duunyaba waxaana imaanaysa in tiro aad u badan oo dhimaso ah inay dhacdo, dadkuna ku cayroobaan.

BIYO LA’AAN

Biyo la’aanta ka dhalata abaartu waxay keenta in lawaayo biyo nadiif ah oo dadka ku filan, waxaana meeshaas ka dhasha in lacabo ama la isticmaalo biyo walba oo laheli karo waxayna sabab u noqotaa inuu dilaaco cudur safmar ah, waxaana laga dhaxlaa in tiro aad ubadan oo dad iyo xoolaba ku la’daan.

COLAAD BULSHADA

Abaaruhu waxay saamayn ku yeeshaan in bulshadu isku dagaasho degaanka markaa leh baad iyo biyaba, arintaasna waxay sababtaa in dagaal uu dhex maro bulshada, dagaalkuna wuxu reeba aafooyin aan xal mararka qaar loo helin.

BARAKAC DEEGAAN

Marka abaaruhu saameeyaan deeganka, bulshada waxay isku daydaa inay usahan doontaan halka lagu sheego roob, waxaana meeshaas iskugu taga dad iyo xoolaba, waxayna keentaa in meeshaas baadkii iyo biyihii loogu tagay ay noqdaan kuwo lagu dagaalamo, waxaa kale oo meeshaas ka dhasha cuduro faafa. Deegaanka markaa loo hayaamayna waxaa ku dhaca qayirmad.

XAL WAARA

Kaydinta Biyaha Roobka

Marka roobku da’o waxaa bulshada looga baahan yahay inay samaystaan meel lagu kaydiyo biyaha roobka, si ay u isticmaalan marka biyo la’aan dhacdo si aan markiiba aan loo raadsan biyaha fadhiya harooyinka, wabiyda iyo biyo galeenada kale.

BEERISTA DHIRTA IYO LADAGAALANKA XAALUFINTA DHIRTA

Ilaalinta deeganka ma ahan arin ilaalinteedu ay waajib kutahay dowladda keliya, bulshaduna waxaa looga baahan yahay bulshada inay mar walba u dhaghayaan xaalufinti dhirtu inay tahay arin horseedi karta in baad iyo biyaba la waayo, marka dib loogu noqdo taarikhda aadanaha iyo bulshada waxaad moodaysaa mar walba oo horumar lasii gaaro in deegaanka uu dhibaato la kulmo, in dhul balaaran oo kayn ahaa la jaro si deegaan cusub loo sameeyo, in dhir badan lajaro si ganacsi looga sameeyo.

Dhir abuurista waa arinka keli ah ee noqon kara arin xal waara lagu gaari karo, dhir badan oo la beero waxaa ka dhalanaysa in nabaad guurka dhirta iyo ciidaba ay istaagaan, in la helo dhir ka qayb qaadata isbadalka cimilada sii xumaanaysa, in roobab tiro badan lahelo, dhir beeristu waxay astaan wanaagsan u tahay in laga hortago in abaaraha iyo macluushaba laga hortagi karo, barwaaqana lagu gaari karo.

TAMAR CUSUB IN LAHELO

Sida aan kawarhayno dunida maanta waxay aad ugu tiirsan tahay isticmaalka tamar aan la cusboonaysiin karin sida shidaalka dhulka laga soo saaro, shidaalkaasna marka lagubo wuxuu lafalgala cimilada oo waxaa ka dhasha in gaas badan hawada lagu sii daayo, hawadaas oo saamayn karta habka roobku u samaymo, marka roobku da’o se waxaa dhici karta in sunta hawada kujirta in lagu xanuunsado, arinkaan waxaa xal u noqon kara in lahelo ilo tamar oo labadali karo, Tusaale wadankeena wuxuu leeyahay 12 bilood oo qorax joogto ah, Qorraxdu waa tamar ilaahay nagu manaystay oo aynan ka faa’idaysan, waxaa kaloo ilaahay nasiiyay cimilo aad uwanaagsan oo laga soo saari karo tamarka dabaysha ku dhisan iyadoo ladhisayo qalabkii lagu qaban lahaa dabaylaha kadibna loogu badali lahaa tamar la isticmaali karo.

DOWLAD SIYAASAD ADAG U DAJISA DEEGAANKA

Shirarkii ugu danbeeyay ee looga hadlayay isbadalka cimilada waxaa dowlad walba garatay in ay tahay in laga hortago waxa sababi kara isbadalka cimilada, wadamada qaar baaba waa hore dhaqan gal kadhigay ilaalinta deegaanka, Tusaale dowladda Soomaaliya waxaa laga rabaa inay joojiso dhoofinta dhuxusha, kadibna dadka u raadiso shaqo abuur ama marshuuc looga maarmi karo isticmaalka dhuxusha.

BULSHADA KU BARAARUGSAN ABAARAHA

Bulshada hadii ay tahay mid mar walba danaheeda usoo jeeda waxay gaartaa horumar dhan walba ah, bulshadeena Soomaaliyeed waa bulsho mar walba isgarab taagan oo isku caawiya dhibaatada markaa taagan. waxaase meesha ka maqan in bulshadu inta dhibku dhicin kahor ay ahaataa mid u feejigan waxa dhici kara ama markaa dhacaya, wacyi gelin ka bilaabata jiilka soo koraya si ay uga baaqsadaan inaysan ku dhicin wixii waalidkood saameeyay.

Dowladda waa inay usamaysaa wacyi gelin joogto ah, iyadoo ka bilaabaysa goobaha waxbarashada, iyadoo manaahijta waxbarashada kudaraysa, in dhalinta loo sameeyo tartamo kor loogu qaadayo wacyi gelinta deegaanka, in idaacadaha, telefishinada, wargeysyada iyo website ka lagoo geliyo wacyi gelinta deegaanka.

ALLE BARI IYO DANBI DHAAF

Waxaan kasoo hadalnay dhowr qodob oo saamayn kuleh arinta abaaraha, balse hadii aan dhanka kale ka eegno wadankeenu mudo gaaraysa 50 sano waxaa ku daadanay dhiig dad muslim oo aan waxba gaysan, waxaana loo laynayay siyaabo kala duwan, layntooda haba kala duwanaato e 30 kii sano ee ugu danbeeyay waxaan faraha la galnay dhiig aan dhamaad lahayn. in masaakiintii la laayo, waayeelkii la laayo, waxgaradkii la laayo, Culumadii la laayo, Aqoonyahankii la laayo, Dumarkii la laayo, Dhalintii la laayo, wax loo naxariistay maba harin inta yar ee isku soo hartayna waxaad moodaa in layiri idinka waxba idiinkama gelin waxa wadanka ka socda.

Habada yaa mudan inuu ka jawaabo dhiigan ku daadanaya wadanka? Sidee Rabbi looga sugayaa naxariis hadiiba uu yiri naf la dilo waxay la dhigantaa in aduunyada oo dhan la rogay. Ma isdhihi karnaa Soomaali waa horaa la rogay oo waxa muuqda waa jismi aan wax saamayn lahayn!.

Rabbi aan unoqono oo waydiisano naxariistiisa, wixii nala farayna aan yeelno, wixii nalaga reebayna aan ka harno.

1 thought on “ABAARAHA SIDEE LOOGA HORTAGAA?”

  1. Pingback: Maxay Dadku Ugu Rakibanayaan Guryahooda Solar?

Leave a Comment

Your email address will not be published.