Maxay Dadku Ugu Rakibanayaan Guryahooda Solar?

Tamarta Cadceedda/ Qorraxda ayaa loo aqoonsan yahay inay tahay bedelka saxda ah ee shidaalka, saas oo ay tahay dadku inta badan kuma dhiiran jirin inay isticmaalaan Solar sababtuna waxay ahayd qiimaha la iibin jiray Solarka iyo qalabkiisa, waxaa kaloo raaci jiray ku dhajintiisa guryaha oo ahaa qarash kale oo dheeri ah. Waxaa aad luugo mahdiyaa casrigaan lajoogo in dunida ay ku hormarayso wax soo saarka iyo horumarinta aaladaha tiknolojiyadda, nidaamkan wuxuu sahlay in la heli karo Solar qiime jaban iyo aqoonti lagu rakibi lahaa. Dadku waxay aad u fahmeen raadadka uu shidaalka lagubayo kuyeelanayo cimilada dunida, waxay na ka dhigaysa in loo weecdo raadinta tamar lacusboonaysiin karo.

Su’aasha badana la iswaydiiyo ayaa ah in ku rakibidda Solar ka guryaha uu yahay mid loo baahan yahay iyo inkale. Maqaalkaan waxaan ku tusaalaynaynaa dhowr sababood oo loogu baahan yahay in la isticmaalo tamarta Cadceedda.

1. Isticmaalka Tamarta Cadceedda Waxay Caawinaysa Deegaanka

Isticmaalka Tamarta Cadceedda Waxay Caawinaysa Deegaanka, waxayna yaraynaysaa qiiqa ku qulqulaya hawada sare, waxayna hoos udhigaysaa kutiirsanaanta iyo ku tagrifalka shidaalka, waxayna sahlaysa in dunida mar kale wada noqoto dhul cagaaran oo nadiif ah. Waxaana halkaa ku haraya wasaqaynta joogta ah ee lagu hayay hawada sare.

Ilayska ka imaanaya Cadceedda kuma lahan  saamayn taban oo deegaanka ah, keliya waxay qayb wayn ka qaadataa in aan kahelno tamar joogto ah, tamartaa inta badan dadka ugama faa’idaystaan habkii ladoonayay. Isticmaalka tamarta cadceedda uma baahna in biyo badan loo isticmaalo, halka qodidda shidaalka uu ku baxo biyo badan oo laga maarmi lahaa hadii la isticmaali lahaa tamarta Cadceedda, wax soo saarka shidaalka mararka qaar waxaa ka dhasha wasaqowga biyaha, inta lagu guda jiro qodiidda waxaa dhici karta in tuubooyinka soo qaadaya shidaalka cusub ay mararka qaar dilaacaan ama meel un ka siidaayaan, kadibna waxaa meeshaas ka dhasha in ciidda qoyan ee biyaha siday ay gaaraan shidaalka halkaasna uu isku milmo shidaalka iyo biyaha, kadibna lagu sumoobo.

2. Yaraynta Biilasha Korontada

Mudooyinkii udanbeeyay waxaa dunida la tacaalaysay dhaqaale yari iyo sicir barar, dadkuna waxay awoodi waayeen inay nolol maalmeedkooda soo saartaan, cimilada kulul ama midda qabow waxay dhalisaa in bulshada isticmaalaan koronto saa’id ah, korontadaasna waxaa kubaxa qarash aad u badan dadkuna ma awoodan inta badan inay bixiyaan dhaqaalahas. Bulshooyinka qayb kamid ah baa ka maarmay inay bil walba baxshaan biilasha korontada joogtada ah, waxayna dhisteen habka Solar ka, habkaan waxaa laga yaabaa marka hore in aad qarash gasho balse waxaa meeshaas kaga baaqanaya in bil walba ay ka walwalaan bixinta biilasha korontada.

3. Ubaahnaanta Dayactir yar

Waxaa jira fikrad qaldan oo laga aamin san yahay isticmaalka Solar ka, dadku waxay ka aaminsan yihiin in uu mar walba u baahan yahay dayactir joogto ah.balse arintaa ma noqon mi ka hor istaagta in la isticmaalo Solarka weliba si xowli ah uu udhaqan galo, mid baase aan laga fursan karin taaso ah in uu u baahan yahay in laga ilaaliyo in muraayadda Solarka uusan fuulin baraf ama caleemaha geedka si uusan saamayn ugu yeelan wax soo saarka tamarta. Waxaa jira in sanadkii laba ama mar lanadiifiyo iyadoo aan waxyeelo la gaarsiinayn muraayadda.

Saas oo ay tahay waxaa jira walaac ku saabsan habka loo nadiifiyo oo dadka inta badan kuma dhiiradaan inay nadiifsadaan o waxaxy isyirahdaan armada waxyeelo gaarsiisaan. Haka welwelin oo waxaa jira xirfadle yaal ku shaqaysta nadiifinta, ogsoonow hadii aad dagan tahay dhul roobkiisu yahay joogto uma baahanaysid inaad uwalwasho nadaafadda.

4. Solarka Wuxuu ku Shaqeeya Meel Kasta

Dadku inta badan waxaa maskaxdooda kujira in isticmaalka Solarka looga baahan yahay in mar walba lahelo ilayska cadceeda, balse arintaa waxay noqonaysaa in aan loo baahnayn cadceed joogto ah, waxaaba jira wadamo aan helin cadceed kufilan sanadkii, saas oo ay tahay waxay isticmaalaan ilayska qoraxda iyagoo aan walwal ka qabin in cadceed lahelo iyo in aan lahelin.

5. Kor uqaadista Qiimaha Guriga

Guryaha leh nidaamyada tamarta qoraxda ayaa ka qiimo weyn kuwa aan lahayn, oo xitaa si dhakhso ah ayey u iibin karaan. Sababta ay uga qaalisan yihiin waa in mulkiilaha cusubi uusan ka welweli doonin isticmaalka korontada iyo bixinta biilsaha korontada. Halkaa waxaa uga baaqanaya lacag tiro badan oo kaga bixi lahayd isticmaalka korontada, dowladaha qaar baa hoos udhiga ama kaba daaya canshuuraadka guryaha si loo dhiira geliyo isticmaalka tamarta cadceedda.

6. Il Tamarta oo lagu kalsoonaan karo

Tamarta qorraxda oo ka duwan ilaha tamarta gaaska, shidaalka iyo Benzinka, kala duwanaanshuna waa in tamarta cadceedda la cusboonaysiin karo halka tamarta kale aan la cusboonaysiin karin oo loo baahanayo in mar walba oo kaydka dhamaado in laqodo dhulka hoose, taasina waxay keenaysaa in dhibaato deegaan lagaysto. Ku tiirsanaanta tamarta shidaalku waa mid aan marnaba la isku halayn karin oo waxaa saamayn togan kuleh qodobo dhowr ah, halkca Cirridu ay tahay mid aan aadane gacanta ugu jirin oo meel kasta iyo maalin kasta laheli karo.

7. Adeega Koronta Oo Aan Gaarin Meel Kasta

Hadii aad tahay mid dagan meel kadurugsan magaalada waxaa mararka qaar dhacda in aan lahelin koronto kufilan guryaha, hadaba waxaa arinta ka dhigaysa isticmaalka Tamarta qoraxda mid la isku halayn karo, waxaadna uga maarmaysaa in aad ku tiirsanaato koronto aadan heli karin mar walba iyo goob walba. Dadka dagan deegaanada durugsan waxay waayahaan danbe doorbidaan inay u madax banaanaadaan helidda korontada, waxayna abuurtaan tamarta Cadceedda oo ay uga maarmaan inay sugaan inta laga soo gaarsiinayo taram koronta ka imaanaysa magaalooyinka waa wayn.

Leave a Comment

Your email address will not be published.