5 Qalad oo Burburin kara Ganacsiga yar Iyo Sida Looga Hortago

Hal abuurka ganacsiga waa mid aad u koraya laga soo bilaabo Musiibada Covid-19 ka bilowgiisa, tusaale wasaaradda ganacsiga wadanka Maraykanka ayaa diiwaan geliyay codsiyo ganacsi cusub oo gaaraya  5.4 Milyan sanadkii hore ee 2021, waxayna aad uga sara martay codsiyadii lasoo gudbiyay sanadku markuu ahaa 2020.

Marka la isku barbardhigo sanadka 2020 iyo 2021  tirada codsiyada ganacsiyda cusub ee la abuurayo ayaa aad ukala duwan, sababtuna waa in dadka intooda badan uu saameeyay xayiraadda cudurka Covid-19 ka, waxaana yaraaday shaqooyinkii loo xaadiri jiray, shirkado badan ayaa hoos udhig ku sameeyay shaqaalahooda, halka kuwa kalana ay shaqooyinkoodi waayeen.

Arintaan waxay keentay in qof walba oo dunida kunool ka fekero inuu helo meel uu daqli kasoo saaran karo,dadka qayb baa lacagihii kaydka u ahaa ku bilaabay ganacsi cusub halka qayb kalana ay kaydoodii biil inta ka dhigteen soo istaageen meel cidla ah, kadibna sidaa ku cayroobay.

Iyadoo rajada laga leeyahay ganacsiga cusub abuurkiisa iyo kor u kiciisa uu yahay mid aad usareeya, sidaas oo ay tahay dadka bilaaba ganacsiga cusub waxay ku guul daraystaan labada sano ee ugu horaysa,hadi laga gudbo labadaa sano waxaa dhici karta shanta sano ugu horaysa in lagu guul daraysto, waxaana sabab u noqon kara dhowr qodob, balse aan kasoo qaadano 5 taan qodob.

1. XOG YARI (NOT ENOUGH RESEARCH)

Hal abuurka ganacsiga waa lagu kala duwan yahay oo dad baa ilaahay ku manaystay inay fikrado wanaagsan la yimaadaan halka dadka qaar ay lacag ku baxshaan cidda ula timaada fikrad ganacsi ama ay qayb ka siiyaan ganacsiga cusub, waxaa lama huraan ah in marka fikrad la helo ama la abuuro in laga fiirsado halka ku haboon ee lagu dhaqan gelin karo fikradda.

In laga fiirsado suuqa aad la tagayso fikradda yaa kaaga horeeyay yaase caqabad kuugu noqon kara, xageese uga guulaysan kartaa shirkadihii kaaga horeeyay ganacsiga, in la diyaariyo hadafka shirkadda iyo hiigsiga dhow iyo midka fogba, shirkaddu waa in loo xariiqaa 3 illa 5 sano wixii ay qaban lahayd, xogtaasna waa inay leedahay kayd mar walba lasoo heli karo, in la doorto suuqa iyo macaamiisha hadafku yahay sidii lagu gaari lahaa, sidii looga qayb qaadan lahaa tartanka kajira suuqa.

2. DAQLI YARAAN

Inta aadan bilaabin ganacsiga waxaad u baahantahay inaad qorshayso daqliga kubixi kara ganacsiga cusub, kadibna waxaad ka dhigtaa laba jibaar daqliga aad qorshaysay, qorshee kirada iyo qarashaadka ku baxaya ugu yaraan 6 bilood ama in kabadan, waxaa mararka qaar dhaca in wadanka ka dhaco sicir barar iyana waa in lagu xisaabiyaa marka hore ee laqorshaynayo ganacsiga, iskuna day marka hore in aadan ka walwalin qarashaadka kuugu baxaya sanadka ugu horeeya.

Hadii ay kuugu dhacdo in aad uwayso qarashaad adoo mudo soo shaqaynayay waxaa macquul ah in aad bangiyada ka raadsato dayn cayiman, ogowse hadii aad dhowr jeer aad amaah ka qaadato bangiga waxaa macquul ah in bangiga uu shaki muujiyo kadibna lagaa codsado in aad soo celisid lacagtii amaahda ah, taasina waxay dhaawac u noqon kartaa ganacsigii cusbaa ee aad yagleeshay.noqo marwalba mid ku xisaabtama in aadan sanadka ugu horeeya ama kan labaadba aadan raadin faa’ido badan oo aad dhistaa sumcadda ganacsigaaga.

3. MASUULIYADDA OO DUSHA LAWADA SAARTO (SHAQAALE YARI)

Ganagsatada cusub inta badan waxay qabtaan shaqada markaa ay abuureen, waxaa macquul ah in shaqadu ubaahato mid ama laba shaqaale joogto ah, si masuulka uu uhelo maskax uu kufekero, arintaasna waxay horumar gaarsiinaysaa ganacsiga cusub, hadii shaqadu tahay mid ubaahan in banaanka howl laga soo qabto gudaha shirkadana shaqo laga qabo isma keenayso sababtuna waa in qofku uusan qaybsami karin, shirkaduna aysan xirnaan karin, marka waa lagama maarmaan in masuulka helo dad uqaban kara shaqada gudaha ama midda banaanka.

4. XISAAB XUMO/ MIISAANIYAD XUMO

Miisaaniyadd shirkadda oo noqota mid si sax ah aan loo maamulin waxay keenaysaa in shirkadda qarashaadkii loogu talagay in kabadan inay isticmaasho mudo kayar intii horay loo qorsheeyay, arintaan waxay dhabar jab kunoqonaysaa horumarka shirkadda.

Badanaa shirkadaha cusub waxaa la fududaada xisaabinta daqliga soo gala iyo kan kabaxa, hadii aan si qoto dheer loo xisaabin waxaa imaanaysa in shirkadda qalqal kuyimaado dhanka dhaqaalaha, waxayna horseedaysaa in la isticmaalo kaydka shirdadda, arintaasina waxay albaab ufuraysaa in shirkadda ay musalafto.

5. SUUQ GAYN LA’AAN

Marka ay timaado dhanka suuq gaynta waxaad moodaa in uu yahay wax iska fudud oo si sahlan lagu gaari karo, hadii aadan aqoon durugsan ulahayn halka aad usocoto waxaa kuugu adkaanaya sidii aad ku gaari lahayd, tusaale dhanka Baraha bulshada ku kulmaan waxaad ka helaysaa macaamiil kala duwan balse macaamiisha adiga aad rabto xageebay u badan yihiin. Hadii hadafkaagu yahay inaad gaarto dhalinyaro waxaad u raadinaysaa aaladaha kala duwan sida Instagram, TikTok, Snapchap hadii aad macaamishaadu yihiin dad qibrad leh waxaad ka raadinaysaa LinkedIn Facebook.

Xiliyadii hore waxaa wax lagu suuqgaysan jiray idaahacada, Tv, Joornaalada iyo in darbiyada warqado lagu dhajiyo, xiligaan dunida waxay isku badashay madal wax walba lagu dul xayeysiiyo aaladaha casriga ah siga Google, Website iyo shirkado xayaysiinta taqasus uleh.

Hadii aadan aqoon macaamiisha hadafka kuu ah in aad xayaysiin samayso keliya kaama caawinayso balse waa inaad taqaan halka xarunta u ah macaamiisha aad raadinayso.

Waxaa macquul gal ah in waxa aad iibinayso inuu yahay wax aad loogu baahan yahay balse xayaysiin xumo iyo hadaf la’aan waxay horseedi kartaa inaadan gaarin halkii aad hiigsanaysay

Leave a Comment

Your email address will not be published.