QURBAC DHEERE VS ODAY DHURWAA

Geel ku dhashay Hawdka Mudug kuna barbaaray hareeraha Hawd illa Cadduun. Wuxuu ka baadiyoobay beeshii uu ka dhashay, wuxuuna qaayibay wehelna u noqday cidlada  dhulka intaas baaxadiisu la’egtahay.

Lumitaankiisu wuxuu ahaa mid cajiib ah qof walbana uu la yaabay kana fajicisay. Xoolihii markii laso xareenayay wuxuu ku lamaansanaa hooyadii goshana uga jiray. Waxaana lagu xisaabiyay ubadka ku xareysan xerada, waxaana lagu kala seexday si nabad ah.

Habeenka barkii waqtigu marku ahaa dugaag iyo halaq waxaan ahayn shanqartooda aan laga maqlayn deegaanka ayaa mar qura waxaa qaylo iyo sawaxan circa isku shareeray waxaan dhaguhu marnaba u dul qaadan karayn maqluuqii jiifayna argagax kuwada riday.

Dhawaaqu muusan ahayn mid dhagihii maqla ay marnaba usoo xiisayaan waxaase inta wehliyay iftiin indha katuuris ah indhahana aan lagu hayn karayn.

Sawaxanki ba’anaa cidina kuma wax noqon marka laga reebo dhawr neef o qayladi iyo iftiinkii wada socday intay baxso islahaayeen boholo iyo qar uga dhacay.

Reerihii argagax kadib waxaa isa soo hor fadhiistay reerki o aysan cidina ka maqneen kadibna la is waraystay, markii lawada ogaaday in lawada nabad qabo ayaa waxaa loo hadal furay xoolihii in baadidoodi ladaba kaco la iskuna keeno.

Waxaana hadiiba is qeybshay barbaar aad ugu xeel dheer baadi doonka xoolaha, waxaana la isku qayb shay dhowr meelood.

XIIRAY isagu wuxuu ka mid ahaa barbaartii loo xirlasaaray inay dhanka Bari ka baadi doonaan, kadibna reerka la isugu soo gurya noqdo, baadi doon dheer kadib waxaa la isku keenay xoolihii inti bad qabtay waxaase halkoodi birta lagu saaray inti qararka ka dhacday naftuna kusi daba yareed.

 Hilba qalistoodi waxaa uso marti sooray habar dugaag intii dariska la ahayd, yur iyo iska dhicin waxay halkaa kala soo tageen wixii manfac laha inti kalana waxay kusooreen habar dugaag.

Dhan waa ka hilba cunis dhanna waa xoolihii tiradoodi o isa sii dhintay kadib markii dhowr neef dhibtii dhacday lagu xoolo waayay. Dhalinu iyagu waxay baryaba u baahi qabeen cad iyo caano, caawase waxaa horyaal waxay baryo badan sugayeen, reerka odayadiisi iyaguse waxay lamurugsan yihin tirade xoolaha ah e booska kabaxay.

Xiiray o ahaa barbaar aad u dhiiran baa yiri Qurbac Dheere cid soo xaraysay ma inagu jirtaa?

Markii baa la is wada eegay o ninba meel wax ka fiirshay balse hadalki waxaa la iskugu keenay in Qurbac dheere meesha ka maqan yahay.

Qurbac Dheere waa awrta reerku ku tashanayay marku barbaar noqdo,waana muunadii xoolaha ku dhex jirtay qof walbana wuxu ku xisaabin jiray Awrta beri lagu faani doono inuu yahay, waa neef qurux iyo qiimo rati lagu farmuuqay.

Fadhigii iyo hilba cunistii lasugayay laguma raagin hadiiba waxaa dib loogu noqday baadi doonki laga yimid, karbuuneyaal  aad u ifaya mid walba gacanta sii qabsaday inti raadkiisa taqaanayna lagu yiri isqaybsha o inta aan aqoon ha weheshadaan, dhamaanse way wada yaqanen raadka Qurbac Dheere. 

Hami iyo hidiilo buu qof walba u qabay inuu isaga soo helo Qurbac dheere o raggu tartan bay halkaa ka galeen. Waxay socdaanba waxaa dushooda ka dilaacay waagii, reerihiina masaafo in jirta bay kaso fogaadeen.

Xiirey isagu wuxu baadi doonka u wajahay dhanka iyo qorax kasoo baxa, wuxuuna waagu ugu soo baxay dhul geedo dherer iyo dhumucba  leh o cidina aysan iska arkayn, xeelada uu adeegsanayayse waxay ahayd hadba inuu geed dheer dusha uga baxo wixi dhaqaaqana isha laraaco.

Waa barqo cadceediina so kululaatay gaajadii haysayna la socon waayay. Buraashadi yarayd e biyaha uu ku sitayna ku saacidi waysay inay haraadka haya ka goyso o marhoru fuuqsaday intii yarayd e kuso hartay. Miro hohob, dhafarur, iyo yicib aan bislaan isugu jira siduu u cunayay bay calooshii kala wareegtay o hadba nabar isku taaga.

Xaaladu markani waa ay sii adkaanaysa daal, hurdo iyo gaaja isku bahaystay. Ragnimaduse waa wax loo dhasho isma uusan dhiibin o in cabaar ah sii socday, hadba sidiisi geed sii fuulayay markani awoodii baa diiday o ka hor timid naftuna ku qalqaalinaysa inu dhibka ka daayo o meel raaxo leh dhinaca u dhigo, talo marba dhinac uga soo muuqatay balse wuxu markani nafta ku qasbay inuu geed dheer hareeraha ka eego deetana wax un meelaha ka eego, geed dheer o aad u jirid weyn ba uso muuqday naftana ku sasabay inaysan meesha cidlada ah dhigin geedkana la gaarto.

Jirkii iyo maskaxdii baa is diidan o markuu geedka tafaba lugihii baa diida inay horay usii tafaan, wuxuu nafta la daala dhacaba o marba lug soo qasbo wuxu cagta la helay jiridii geedka dhakadana uga baxay, indhaha saas waxba ugama sii arko wuxu kala saari waayay waxa u muuqda inay qaac meel fog ka shidan inu yahay iyo in kale, wuxuse doorbiday inuu dago oo ku dhaqaaqo halka wax uga so bidhaameen, naftu markaan waxay qabtaa rajo fiican o geedii lagu kari waayay inay fuusho halhaleel uga soo dagtay o cagta u saartay halkii wax ka bidhaamayeen.

Nasiib wanaag waxa kuso baxay geel jire burxabaal dubanaya.

Mid baa kor ka arkay qofka kuso socda dareemayna inay wax ka qaldan yihiin, marbuu is yiri armuu cadaw idiin gaadaya yahay, marna isyiri war waa qof diifaysan o naftu hayso. Caawin buu ugu soo dhaqaaqay kuna yiri war ma nabad baa, miyaad xanuunsan tahay, dhawr su’ale kalana weydiiyay.

Inta raggii meesha fadhiyay u gacan haatiyay kuyiri bal kaalaya ila caawiya oo meel har ah bay so fadhiisiyeen caano barax ahna afka ugu qabteen, ruuxdii baa kusoo noqotay kadib bay is wareysi isugu dhaqaaqeen, wuxuuna usheegay baadida kaluntay ee meesha keentay. Raggu iyagu way garanayaan inanka waxayna og yihiin reerahoodu inay colaad kala dhaxayso baadidana aan la isku celin wax ladhaco iyada meeshaba kasaar.

Waa rag colaad iyo nabadba yaqaan, sifiican bay uso dhaweeyeen inanka una sheegeen baadida kamaqan inaysan arag degaankana lagu sheegin. Xiirey markuu arkay ragga wanaagga usameeyay hadana cadawga ah wuxu garawsaday in colaaddu joogto aysan ahayn balse nabaddu tahay midda keliya ee lagu baraaro. Inta burxabaal usoo duubeen bay caano baraxa usoo dhaansheen o farta ka saareen, una rajeeyeen inuu sinabada baadida kuheli doono.

Barbaartii kale iyana mid wax helay ma jiro midba midka kale ayuu is leeyahay isagaa soo helay o keenaya xerada, waxaase la isugu so gurya noqday fara marnaan.

 Xiirey marku wax war iyo raad ah midna uusan kusoo arag degaankii uu soo maray bu niyadda ku dhistay in halka uu kasoo baadi doonay aysan ahayn Qurbac dheere meel u soo aaday.

Baadi doon kadib niyadda reerkii waxaa ka go’i waayay in Qurbac dheere aan wax raad ah laga helin cid sheegtana ama aragtana aan degaanka lagu sheegin.

Buuqii baa ku baahay reerka, wuxuuna hadalkii noqday Qurbac dheere yaa la tagay ma jin baa qaatay mise balaayadii xalay baa la tagtay?

Waxaa fajac la noqotay in dhulka intaa la eg laga soo waayay qurbac dheere raadkiisina aan lagu arag dhulka ciidda cas, qof walbana su’aal bay ku noqotay sababtoo ah xoolihii kale e lumay waa lasoo helay isaga mooyaane. Hadii laga samri lahaana wax raq ah lama arag.

Nin baadi kamaqan tahay berya maseexdo odayga reerka isagu kama uusan quusan tabarna uma u hayo uu ku baadi doono wuxuu intaa aram siiyaa dhalinta.

Dhalintana siday maalinba reer uga duldhacayeen waxa is qabsaday hadalkii Qurbac dheere, ciddii bidhaantooda aragtana waxay horaba ka qiyaasaysaa inay baadi ku raad joogaan.

Dhulkuna waa dhul colaadeed xoolo lumay hadaanu bahal cunin in nabad lagu so celiyo waxaa loo gali jiray waddo dheer iyo odayaal in loo erga doonto, ama wiilal xoog iyo xeelad dagaal lagu tuhmayo in lasoo uruursho oo reerka lagu tuhmayo weerar lagu ekeeyo.

Leave a Comment

Your email address will not be published.