HURDADU BADANA

Hurdadu badanaa o dhamaani okaa, habeenka jimcaha waqtiguna yaraa. 

Daalkii laga qaaday galabka khamiista waxba uma arko jirka intiisa badan waxaa usii muuqda farxadda maalinta jimcaha. Badana dadku waxa ay ka fadhiistaan ama ka nastaan halw maalmeedki lasoo hayay isbuuca.

maalinta kulmisa dad mudo aan is arag dad shaqo mooye aan si kale waqti isugu helin, caruur waalidkood aan beryo arag kuna xaraysnaa dugsiyada jiifka, waalid aan waalidki arag isbuucyo, lamaane kala baryay beryo intuba waxaa kulmisa maalinta jimcaha.

Kuraydu waa u maalin ciided, wadaadadu waa u kulan diineed, dhalintu waa u kulan kubadeed iyo baashaal, hooyooyinku waxay ku hawshoodaan bun dubis salool karin qaxwo shiidid, waxaaso farxad ah waxaase ka qada ama u arka maalin murugo waa gabar walbo reerka ka tirsan waxaana u sabab noqda markii kiishash dhar ah loo soo tubo caawinna aan lo fidin, hadii ay oran lahaayeen dhaqi mayno waxaa lo arkaa qof kibray caay iyo cadaab ba waa la iskugu daraa, qof ay u dacwoodaana ma jirto.

waa dibigii geesa weyne ahaa o yaraantiisi isagoo aan lagaga tashan xerada inta laga so saaray xiniinyaha bir weyn looga burburiyay taaha kabaxayana aan cidi dan ka yeelan marki baryo laga so wareegayna tunka loo saaray qalabka beeraha lagu falo, isagoo ku dhibaataysan xanuunkii lo geystay baa hadana abaal looga dhigay in culays, jeedalid iyo jiidid la iskugu daraa.

 Oogta waaberi marka geed iyo muuqa dadka  lakala garto ayaa lagu soo kalahaa rarid lagu bilaabaa, inta lasii rarayo ayaa xooga badar afka loogu shubaa horana laga hawl geliyaa.

Mawaysan fiicnaateen hawsha u hayo in lagala tashado ama lagula gorgortamo?

Fiicnaan iyo gorgortan isagu wuxu ka yahay dibi geesa weyn o reer ay iska leyihiin.

Aroorti marku diiqa ciyo, qofka ugu horeeya e hurdada laga toosiyo waa gabdhaha. Bureeqa waa gabadha keliya e reerka ku jirta, maro boorka laga jafayo sideedi baa loo toosiya laguna amraa inay kakacdo hurdada baas.
Hadiiba loma si ogolaado inay indhaha isku sii haysato, labajeer kabadan kab iyo qanjiirin la iskugu daraa. Cabsida iyo xanuunka markay isugu darsamaan bay samada isku dhajisaa iyado jiir sidiisi baxsad ah. Hadiiba iyado hurdaysan indhaha isku yahsa kacdaa kuftaa gabsaar meelaha ka eegataa o hagoogata Suligay usii huleesha inta caday dheer si laacdo,  suuligu waa saaxiibka ay la sheekaysato una dacwooto.
Cadayga afka laba jeer markay marmariso  gacanta iyo afka iskuma ciidamiyaano  cadaygii iska dhigta, darbigay madaxa saarataa hurdadii haysayna si wadataa.
Fiicnaan lahayda inay sidaa ku hurdo bogato. Albaabka jiingadda kasamaysan laad xoog weyn o argagax geliya inta lagu dhufto qaylo iyo caay lo raacshaa laguna amra inay suuliga kaso baxdo. 

Sidii haad hilib haraadi ah feenaneysa qanjiirin lagu boobaa markay saa uga soobaxdaba. 

Ilintu qalbiga iyo indhuhuba waa waxay la qabsadeen o kuma cusba, caado soo jireen sideedi indhaha markiba so fasaxaan ilin buurburan o aad moodo in beero lagu waraabinayo, naf bay iska raadisa ilintay iska tirtaa kadibna hawshedi haleeshaa.

Weelkii xalay daarada looga seexday soo uruurisaa, jikaday xaaqid ku bilowdaa dabkana sii shidataa inta gaas iyo xaabo isu gayso taraq qabad siisa kolba doc kasii afuuftaa illa u ka holco inta dabka usii qaxayo weelkii bay kala soocda o inta muhiimka ah sii mayrtaa (dhaqdaa).

Dadku xumaa o xaasid sanaa aroor walba maalin walba iyadu waa isugu mid fasax mahesho, mushaar ay nafta ku qancinayso ma qaadato, haday isku sasabi lahayd gumaysi shisheeya gacanta ugashay o mar un waad ka samata baxaysaa naftu kama ogolaanayso waxa dirsanaya o adeegsanaya waa gurigii ay ka dhalatay. Ma isdisha ma isdooxdaa mise waad baxsataayo meeshii cagtaadu kugayso arag.

Maya maya gabar baa utahay hawlahan, hadaad baxsato sow reero kale booyaaso unoqon maysid?
Sow bahalada kudamaacin mayaan o baylah noqon maysid.

Waxay ku fekertaa maalin adiguna waad guursan o reer yeelan dhoocil yarna waad ku shaqaysan wixi maanta laguugu sameeyay iyadaad ka jaraysaa, mawaysan u ekaanayn Allow wax dhowran maaye dhagaxyo soo daadi.

O maxaan u ciilayaa inan yar o aan dhalay ama ii shaqaysa? Mawaysan haboonayn inan ka badbaadsho dhibka maanta aan ku jiro qof danbana uusan umarin ciqaabtan. 

Allow adaa daalacda quluubta e mar un qalbiga reerkaygan baas naxariis iigeli ku ducaysataa.

Weel dhaqidii kadib waxay soo biyaysaa kidhligii(jalmad) hadiiba saarta burjikada, waxay sigaar ah usoo soocata saxan weyn o ay canjeelada ku rido, masaxi birta lagu masaxayay, weel yar o ay saliid kuso shubato, inta markay diyariso waxay dhireysa shaahi sokorna ku dartaa, intay koob yara ku shubato dhadhamisa inu karay.  Markay ogaato inu karay birtay dabka saarata. 

Markay dhowr dubtaba waxa horay kasii laaca wiilasha, intay doonaan bay qooshtaan kana dhargaan wixi ay cuni waayaan meesha uga kacaan, iyagoo aan abaal uga hayn weelashii ay wax ku cuneena meesha uga kacaan.

Qof ku yirahda malahan mahadsanid, qof ku amaana shaqadeedan culus majiro kaba sii daran gacan iyo aflagaado inta isugu daraan hadana dacwad kasi gudbiyaan iyagoo ku eedaya inay quraacda ka daahisay. 

Waxaaso dhan waxay ku mutaysatay waa gabarnimada ay reerka utahay wax kale maysan galabsan, haday wiil u ahaan lahayd reerka wey cuni lahayd weyna cabi lahayd siday doontana way u dhaqmi lahayd.

Gabarnimada ma iyadaa dooratay?
Ma ıyadaa loo dhalay hawl maalmeedka reerka?

Haday gabarnimada saa tahay marki ay caloosha hooyadeed ku jirtay haday  ogsoonaan lahayd Rabbigeed bay kala xaajoon lahayd waxay noqonayso iyo doorka ay reerka ku yeelanayso.

Waa qofka ugu danbeeya e quraacda cuna, miyaa lo diday inay quraacato, haa, maya maya.  Haayo waa lo diiday waqti ay nafteeda ku quraacsiiso midii ay dubtaba mid baa saf ugu jira. Mayee looma diidin e waxaysan u heelaneen quraac halhaleel lagu cuno.

Markay hawl maalmeedki qaybtiisa ugu horeysay kaso farxalato waxay u hawlataa inay u daba marto qolalki laga so wada toosay hagaajisna ku bilowda. Qolba qolka xiga iyado aan ku faraxsanayn bay isku dhibtaa. Haba u darnaadeed kan wiilasha ma moodi kartid waxa dhex yaal ismana oranaysid xalay baa lagu hoyday, saaso ay tahay waa qolal galabki la hagaajiyo.

Macawiis meel xooran, buume meeshii la isaga siibay xooran, barkimo, go’ firaashki o aan is haysan intuba way isku so ururisa midba meeshi loogu talagalay dhigtaa. 

Baaldi oomo leh xaaqin labaduba so qaadata marka hore boorka ka xaaqdaa waxay u danbeysiisa tirtirid daaqadahana usi furta. 

Barqada markay ku beegan tahay danbiil bay sii qaadata suuqana si aadaa. Wixi maalinta casho iyo qado ahaan loo cuni lahaa so adeegta wixi uga soo harana nafteda wax un uga so gadaa mase badna o waxay ka badqa xisaab in lagu so rogo.

Meelaha maso fadhiisato, faceedna lama dheesho waxaa dunidii ka indha saabay shaqo joogto ah o aan kala go’ lahayn. Karinta qadada kadib waxay diyaarisaa meshi lagu qadeyn laha, way qeybisa nafteedana haraaga lasugta, wixi sohara iyada, bisadaha iyo digaaga xaafadda  qaybsadan. 

Cadceeda kulul kama harsato harac qabow nafta lama doonto shaqadeedu kala go’ malahan midba mid bay kusii balamisaa. 

Waxay  isku diyaarisa casho karin weel dhaqid iyo casariye diyaarin, galabkii waxaa xaafada isugu yimaasa islaamo tiro badan waxa lo diyaariyaa shaah cadays ah, bun qaxwo, salool (daango). Islaamuhu waxay sharaf iyo maamuus u yeelan maalinta jimcaha ah waxay aqriyaan wardi, nabi amaan, xadreyn, iyo wax tira badan o aan la aqoon. 

Islaamuhu mar walba waa awood bulshada dhan ka hogaamiya iyagaana isku daba rida hawluhu aysan raggu qaban, hadii ilmo lagudayo hadii aroos laqaban qaabinayo, hadii tacsi ladhigayo,hadii alla bari lasamaynayo, intuba waa hawlaha aan lagu so faragelin.

Leave a Comment

Your email address will not be published.