Buug Qor Halkii aad Facebook Wax Ku Qori Lahayd

Dad badan ayaa u maleynaya inaysan haysan waqti ay Buug ama Maqaal ku qoraan, marka loo eego waqtiga ay ku bixiyaan barta Facebook iyo dhamaan Baraha Bulshada waxay ku lumiyaan waqti aad u badan, waxaana aad ugu haboonaan lahayd inay maalin walba waqti cayiman ku bixiyaan inay wax qoraan ama wax baaris ku sameeyaan mawduucyada markaa saamaynta ku yeelanaya nolol maalmeedkooda ama noloshooda guud.

Aan ugu magac darno Xasan wuxuu ahaa qof barta Facebook kubiiray sanadku markuu ahaa 2005, waagaasna waxaa la adeegsan jiray sumadda .edu si loo isticmaalo madashaas, waqtigaasna waxaa kor usoo kacayay Facebook. Madashaasna waxay ahayd meel keliya sheekaysi loogu talagalay balse waagaas majirin sida manta Facebook looga helayo dhowr barnaamij sida Facebook Busines Page, Groups, iyo dhamaan waxa maanta lagu soo kordhiyay.

Dadka ku diiwaan gashan inaan nahay asxaab ayaa gaaraya boqolaal balse dhamaantood iskumeel iyo isku waqti midna ma nihin, waxaa naga dhaxeeya oo keliya shabakadaa, waxaa dhacda in maalinkii aan soo dhigo dhowr qoraal oo kala duwan balse marka aad dib u eegto inta qof ee aqrisay waxaad moodaysaa in waqtigaygii iyo awoodaydii aan ku bixiyay meel maalaa yacni loo wada joogo oo dadku aysan aqriskuba ku ahayn wax ay usoo doonteen madashaan.

Qoritaanka Buug wuxuu kaa dhigayaa Qabiir

Run ahaantii ma fududa in aad buug dhamaystiran in aad qoritaankiisa sheegato oo aad tirahdo buug hebel anigaa qoray. Waxaa jira dad ku shaqaysta xirfadda ay nolosha ka heleen kuwaaso kuso bandhiga buugaag iyo maqaalo kadibna waxay dadka lacag uga qaataan hababka guusha looga gaaro nolosha, dad waxaa arkaysa lacago ku qaata tababaridda lamaanayaasha cusub.

Arinkaasna waxaa u sahlaya in ay wax kaqoreen arimaha xiriirka lamaanayaasha, dad kaloo waxa jira wax ka qora hababka guusha lagu gaaro iyagana waxaa u sahlay arinkaa in ay buug ama qoraalo kahadlaya guusha kusoo bandhigeen buugaag.

Marka aad u qalin qaadato in aad wax ka qorto nolosha waxaad kala kulmaysaa dhowr caqabadood oo kuniyad jebinaya, balse waxaa muhiim ah in aad meel fog ka fekerto marka aaad wajahdo caqabadahaas. Kafeker marka aad buugga dhamayso oo aad soo bandhigto farxadda aad dareemayso.

Qoritaanka Iyo Saxaafadda ama Baraha Bulshada

Marka aad noqoto qof wax ka qoray mawduuc waxaad noqonaysaa qof mar walba ay diiradda saaraan saxafiyiinta iyo dadka wax ku qora ama kahalda shaashadaha, waxayna isku dayayaan inay mar un wax kaa weydiiyaan waxa aad qortay waxa uu ku saabsan yahay iyo sababta kuugu kaliftay inaad qorto, mar walba waxaad hadaf unoqonaysaa saxaafadda waxayna isku dayayan inay helaan xog kusaabsan waxa aad qortay.

Daqli Kasoo Xarooda Buuq Qorista

Marka aad maqasho buug qorista waxaa lagu noqdaa taajir waad la yaabaysaa, balse xaqiiqda jirt ayaa ah in hadii buug aad qortay uu noqdo mid xiisa leh uu noqon karo mid kuuso jiida daqli aad ubadan.waxaas oo dhan waxaa ka horeeya in aad hesho mawduuc aad uxiisa geliya aqristayaasha wuxuuna noqon karaa in aad wax ka qorto arin markaa taagan ama horay udhacday, sida inaad wax ka qorto arimaha siyaasadda, jacaylka, Guurka, Dhaqaalaha, Arimaha Bulshada ama sheeko mala awaal ah balse xiiso gaara u yeelaysa marka la aqriyo.

marka aad qorto buug ka kooban boqol safxad iyo in kabadan oo aad ka daabacdo ugu yaraan 10.000 buug, waxaad kasoo saari kartaa lacag macquul ah. tusaale hadi aad ku daabacdo lacag gaaraysa 1$ buugiiba kadibna aad xisaabiso qarashkka ku baxaya dhanka dirista waxaa laga yaaba in halkii buug uu kuugu fadhiisto 2$.

Kadibna hadii aad iibiso 10$ buugiiba waxaad ka helaysaa 80.000$,(10.000 X 10$= 100.000$ Waxaad ka goysaa lacagta daabacaadda iyo dirista buugaagta waxayna noqonaysaa 10.000 buug X 2$= 20.000$ , Kala jar lacagta guud iyo qarashka : 100.000$-20.000$ = 80.000$ faa’ido.

Soo Bandhigid Fikirka Aad Xambaarsan Tahay

Marka aad qorayso buug waxaad xor utahay inaad cabirto hab fekerka markaa aad aaminsan tahay, cidina kuuguma qabsanayso sida aad wax u aragto, waxaadna bulshada ku hagi kartaa ama tusaalayn kartaa waxa aad ka aaminsan tahay arin dhacday, taagan markaa ama aad u bidhaamin karto waxa aad adigu aragto. hab fekerka wanaagsan waxaad ku soo jiidan kartaa bulsho aad u badan oo aad magac kaga helaysid sida aad wax u cabirtay.

Waxaa lake oo macquul gal ah in aad isku soo dhawayso bulsho laba feker kala haysatay oo markaa midba midka kale uu la qumanaa waxa uu ka aaminsan yahay arin horay u dhacday, markaa taagan ama soo socota.

Leave a Comment

Your email address will not be published.