Qodobada muhiimka u ah aasaasidda ganacsiga digaagga

  1. Business name/Title 
  2. Vision /mision 
  3. Goals/Objectives
  4. Products 
  5. Unique Selling Point, Target Market And Competition 
  6. Marketing 
  7. Requirements
  8. People involved 
  9. Financial plan

BUSINESS NAME / TITLE 

Magaca aad la baxayso ha ahaado magac marwalba afka dadka soo mari kara oo la xasuusan karo, haka dhigin wax adag oo in laxasuusto noqonda.

Magac bixinta ganacsiga waa waxa koowaad ee mar walba kusoo dhaca maskaxda macaamiisha, hadii magaca aad ubixisay ganacsigaaga uu yahay magac aad udheer ama adag uu noqon doono in si dhaqso lagu ilaawo ama dadka xiisayn waayaan raadinta magaca ganacsigaaga. 

VISION/ MISION 

Labadaan qodob waa laba kala duwan balse dadka mararka qaar way isku qaldaan, badana mararka qaar ee ganacsi samaynayso hadana aad u raadinayso dhaqaale waxaa muhiim ah in aad kala saarto si aad ugu qanciso dadka aad dhaqaalaha uga doonayso ganacsigaaga, balse hadii uu yahay ganacsi adiga kuu qaas ah uma baahnid inaad mar walba kala saarto labadaan qodob sababtuna waa inaad garanayso hadafka dhow iyo kan dheer ee aad ka leedahay ganacsigaaga. Waase lagama maarmaan inaad haysato labadaas qodob si aad  u gaarto meesha aad doonayso inaad gaarsiiso ganacsigaaga.

Marka layirahdo Vision- waa waxa qeexaya ganacsigaaga iyo halka aad ku wajahan tahay, waxaadna helaysa inaad gaarto gaarista ama ogaanshaha magaca aad abuurtay inuu kuu shaqeeyay iyo in kale, mar walbana waxaad shaqada aad qabanayso waxay si toos ula xiriiris maysaa shaqada aad hayso markaa, si aad u gaarto meeshii aad cayimatay. Mar walbana waxaad ku dadaalaysaa inaad gaarto ama noqoto qofka ugu horeeya ganacsiga aad markaa ku jirto si aad usoo jiidato macaamiil badan. Mar walbana waxaad ku dadaalaysaa inaad macaamiishaada siiso waxa ugu sareeya ee aad qabato ama soo saarto.

GOALS/OBJECTIVES

Hadaf iyo udeejoyinka saxda ah waxay ku gaarsiinayaan inaad noqoto ganacsatada markaa suuqa kusoo biiray kuwooda ugu fiican ama aadba noqoto qofka ugu sareeya ganacsiga aad markaa ku jirto.

Hadafka iyo ujeedooyinka saxda ah waxay u qaybsamayaan dhowr qodob oo noqonaya mid dhow mid dhexe iyo mid fog. 

Hadafka iyo ujeedooyinka dhow waa 3-6 bilood, 

Hadafka iyo ujeedooyinka dhexe waa sadan 

Hadafka iyo ujeedooyinka fog waa 3-5 sano

Hadafka iyo ujeedooyinka waa inay noqdaan kuwo cad oo la cabiri karo, lana gaari karo kuna salaysan waqtiga loo qabtay. 

Tusaale: hadii aad bilowdo ganacsi digaagga hilibka laga helo, (digaagga ayaa laba loo kala saaraa mid waxaa loo dhaqdaa in laga helo ukun/Bayd midna waxaa loo dhaqdaa in laga helo hilib). 

Hadii aad haysato 200 oo digaag waa inaad labadii isbuuc kasta ku xisaabtantaa digaag u diyaarsan in la iibiyo, cadadka guud ee 10 bilood laga heli karana waa inuu ahaadaa 500 oo digaag.isbuuc kasta waa inaad heshaa 12-13 digaag oo diyaar ah.

Ogow hadii aad haysato digaag intaa la tiro eg waxaa ka badan kara ama ka yaraan kara wax soo saarka, waxaani waa cabir sababtoo ah digaagga loogu talo galay in hilib laga helo waxay diyaar ku noqdaan 5-8 isbuuc. 

PRODUCT

Marka layirahdo ganacsiga digaagga waa inaad ogtahay waxa aad iibinayso, ma Hilib mise Ukun/Bayd mise Digaag dhal ah (Jiiljiil).

Marka aan u nimaano ganacsiga aan dhisayno wuxuu ku salaysan yahay digaag nool iyo mid diyaarsan, ogowse waa labadali karaa waxa la iibinayo iyadoo loo eegayo baahida taal suuqa markaa ama iyadoo laraacayo hadafka iyo ujeedooyinka la dajiyay iyadoo lagu salaynayo xiliyada wadanka, xilli waxaa jira suuqu ka go’o hilibka digaagga ama Ukunta, waana xiliyada badxiranka ah.wax iibintaaduna waa inay ku salaysnaataa xalinta baahida markaa ka taagan suuqa, hadii aadan xalin karin baahida markaa suuqa ka taagan waxaad u muuqanaysaa mid iska dhex taagan ganacsi aan horumar samayn karin.

UNIQUE SELLING POINT, TARGET MARKET AND COMPETITION 

Qodobkaan waa inaad uga jawaabtaa ganacsatada suuqa ama macaamiisha suuqa kaaga iibsanayaan wax soo saarkaaga iyagoo helaya adeeg lamid ah adeegga aad bixinayso. Qodobkaan waa habka aad ku suuq gali karto adiga oo jawaabta su’aasha kore siinaya ganacsatada ama macaamiisha. Tusaale aad wax uga iibin karto ganacsatada suuqa waa inaad ku qancisaa in digaagga aad dhaqato uusan ku salaysneen mid lagu bacrimiyay maadooyinka sunta ah ee lagu bacrimiyo digaagga.

Isla qodobkaan waa inaad kaga fekertaa dadkee kuu ad hadafka koowaad ee aad wax ka iibinayso, dadka aad ka iibinayso ee hadafka kuu ah waa inay noqdaan meheradaha lagu gado cuntada fudud ee galabtii lafuro ama meheradada sida joogtada u iibsha hilibka digaagga, waana in aad ka fekertaa cidda horay u siin jirtay adeegaan iyo meelaha ay kaaga wanaagsan yihiin iyo halka ay ku liitaan.

MARKETING 

Suaasha halkaan taal waa sidee ku iibinaysaa digaagga aad soo saartay?

Sideese ku ogaanaysaa cidda aad ka iibinayo iyo sidee iyaga kuugu ogaanayaan.

Ma waxaad adeegsanaysaa dad wareega ama isla adiga ayaa meheradahooda ku booqanaya oo ogaysiinaya ganacsigaaga, mise waxaad adeegsanaysaa idaacadaha, Telefishinada gudaha,ma warqado ayaad ku dhajinaysaa darbiyada, gawaarida mise waxaad ka qayb galaysaa xafladaha ganacsatada ama dadweynaha isugu yimadaan, mise waxaad adeegsanaysa aaladaha baraha bulshada sida Facebook, Instagram, Tweeter, TikTok, Snapchat iyo wixii la mid ah. Qodobkaan adiga ayaa lagaa rabaa inaad uga fekerto si macquul gal ah.

REQUIREMENTS 

Marka aad ganacsigaan galayso waxaad u baahan tahay inaad wada qorto dhamaan waxa aad u baahan tahay hanoqoto qalab, dhulkii aad ku hayn lahayd digaagga, dhaqaalaha aad ku bixinayso, meelaha aad ka helayso waxa aad u baahan tahay iyo dhamaan wixii soo hoos galayo ganacsigaan cusub.

Tusaale waxaad u baahanaysaa inaad haysato dhowr shay oo lagama maarmaan u ah ganacsigaan cusub, sida Feeders, Drinkers, Feeds, Vaccine, Saw Dust iyo dhamaan waxa lagama maarmaanka unoqonaya ganacsigaan.

PEOPLE INVOLVED

Marka qodobkaan loo yimaado waa u muhiin in aad ogtahay dhamaan dadka ku shaqada yeelanayo iyo meelaha ay shaqadooda noqonayso, tusaale dhanka Suuq gaynta yaa uga masuul ah ma adiga ayaa isku noqonaya mulkiile iyo maareeye.

Yaa u xilsaaran dhanka dhaqaalaha iyo maaliyadda ganacsigaan?

Yaase u xilsaaran shaqada maalinlaha ah ee ka socoto ganacsigaan sida nadaafadda, cunto siinta, tiro koobka, daaweynta, iibinta hilibka digaagga iyo kan nool. 

Hadii aad rabto inaad ku guulaysato waa inaad leedahay hab shaqo oo loo kala sareeyo, hadii kale waxay noqonaysaa meherad aan loo maqnayn. Sida in aad leedahay maareeye shaqada iyo shaqaalaha kala haga, xisaabiye, waax nadaafadda iyo quudinta ah, qayb suuq ganta iyo maaraynta maaliyadda iyo wixii lamid ah.

FINANCIAL PLAN 

Qodobkaan marka loo yimaado waa u mihiin ganacsiga, waa in ay caddahay halka lacagta lagu bilaabayo ay ka imaanayso, cadadka loo baahan yahay  iyo cidda ku lug yeelanayso, in lasii darsi karo qarashaadka ku baxaya iyo faa’idada kasoo xaroon karta mudooyinka dhow iyo kuwa fogba. Tusaale hadii sanad layirahdo waa in la garan karaa ama la qiyaasi karaa qarashka ku bixi kara iyo kan kasoo xaroon kara, tirada lagu kordhin karo digaagga iyo ganacsigaba. 

Dhamaan qodobkaan iyo horumarinta ganacsiga waa laba isku xiran oo hadii mid hoos udhac kuyimaado laga dareemi karo ganacsiga. Mar walbana waxaa muhiim ah in ladaraaseeyo meeshii laga soo bilaabay iyo halka markaa lamarayo in wax ku kordheen iyo in hoos udhac jiro.