SIDEE MADASHA NETFLIX MARKALE DIB UGU GUULAYSATAY

Maqaalkaan waxaan uga hadlaynaa dib usoo noolaanshihii madasha Netflix oo mar ku sigatay inay suuqa kabaxdo. Maxaa ka qaldamay maxay samaysay si ay dib ugu soo noqoto suuqyada caalamka.

Shirkadda loo qayaan Netflix waxaa la aasaasay sanadku markuu ahaa 1997 waxaana iska kaashaday laba nin oo lakala yirahdo Marc Randolph iyo Reed Hastings waxayna ku yagleeleen magaalada  Los Gatos, California cariga Maraykanka, madasha Netflix waxay saamayn wayn kuleedahay warbaahinta iyo madadaalada.

Sanadku markuu ahaa 2019 shirkadda waxay soo bandhigtay 130 milyan oo macaamiil si joogto ah u baxsha lacagta macmiilnimada, waxayna ku teedsan yihiin 190 wadan daafaha caalalmka, balse sanadkaan lagu jiro ee 2022 waxay haysataa macaamiil dhan 220.67, ganacsiga asalka u ahaa shirkadda waa inay iibiso ama kireyso cajaladaha DVDs ka loo yaqaan, kadib waxay shirkadda kusoo dartay waxa loo yaqaan ” Media Streaming”.

Sanadku markuu ahaa 2010 shirkadda waxay samaysay isbalaarin caalami ah waxayna ka bilowday dal waynaha Canada, sidaas si lamid ah shirkadda waxay heshiis la gashay dalwayna Chine oo aad loogu dhaleeceeyo inay Warbaahint gacanta si adag ugu hayaan, Netflix waxay heshiis la gashay shirkadda layirahdo Baidu oo ay leedahay shirkadda ‘iQiYi’.

1. CALAAMADIHII UGU HOREEYAY

waxay ahayd sanadku markuu ahaa 2011, waana markii ay shirkadda Netfix suuqqa ka bixi gaartay oo ay dhaqaalo burbur ku dhici lahaa, kooxda maamulka u qaabilsan Netflix waxay ku jirtay jahwareer, waxaa hoos u dhacay saamiyada suuqqa 80% waxay lumiyeen sanad gudihiis 800.000 oo macmiil joogto ugu xirnaan jiray, Suaashu waa maxaa sababay arinkaan?

maamulka shirkadda wuxuu go’aan ku gaaray in uu kala qaybsho lacagta 10$ ah oo loo qaybsho laba qaybood midkiiba uu ku kacayo 8$, kor ukacay 60% qiimaha shirkadda aad uma aysan jeclaysan macaamiisha, intaa kadib shirkadda Netflix waxay dib usoo celisay adeegii ahaa kiraynta cajaladaha DVDs ka iyadoo adeegsanaysa ‘Qwikster’, kadibna DVD.com, kiraynta cajaladaha iyo adeegga Baahinta ‘streaming’ ka waxay kala ahaayeen laba shaqo oo midkiiba u baahan yahay dhaqaale gaar ah, suuq iyo fursad lagu koriyo.

2.1 DIB USOO NOQOSHADII NETFLIX

shirkadda Netflix waxay lumisay kalsoonidii ay macaamiisheda ka haysatay, waxayna ku qasbanaatay inay go’aan adag ka qaadato arinkaa, waxaana horyaalay inay horay ugu sii socdaan qorshahooda macaamiishana ay ku qasbanaadaan, hadii ay ku dhagnaadaan waxay halkaasna ku lumiyaan macaamiisha, qodobka kale waa inay dhagaystaan macaamiishooda, waxay go’aan ku gaareen inay tixgeliyaan macaamiisha oo lafuliyo dalabaadka macaamiisha.

macaamiishu mar walba waxay doorbidaan adeeg fudud oo hufan, waana halka ay ku guuleysteen shirkadaha kala ah Spotify dhanka musiga iyo shirkadda samaysa ciyaar gacmeedka ee loo yaqaan Crunchyroll ee ku xeel dheer muuqal u ekaha dadka ‘Anime’ , qodobkaas kore iyo inay shirkadda kusoo kordhisay dhowr adeed sida : horay ukaxaynta cajaladaha dib ucelinta muuqaalka, falcelinta baraha bulshada, xogta juqraafiyadeedka.

marka la eego waqtiga aan hadda kujirno shirkadda Netflix waxay qayb wayn katahay shirkadaha haybadda kuleh wax soo saarka, balse marka dib loogu noqdo sanadku markuu ahaa 2011 sanad aad u hooseyeen waxayna ilaaween muhiimadda macmiilka iyo xiriirka joogtada ah ee lala yeesho macmiilka, waxaa halkaa ka dhashay in ay shirkadda ku baraarugto luminta macaamiisha waxayna u ahayd goor aad u mihiim ah.

Shirkadda Netflix waxay lahayd macaamiil gaaraya 24milyan, balse xiligaan waxay leedahay macaamiil dhan 226.67 milyan oo kala jooga 190 wanad ee caalamka, arinkaan kor ukaca intaa la’eg waxaa saldhig u ahaa inay dhagaysteen macaamiishooda, waana halka ganacsigooda uu isku badalay.

2.2 Caqabadaha Istiraatijiyadeed ee soo food saartay

Netflix waxay si joogto ah ugu jirtay mawjadda fashilka waxaana udub dhexaad u ah laba sababood:

  1. Netflix aad ayey isugu dayday in ay wax cusub abuurto oo ay ikhtiraacdo habka uu u ekaan doono mustaqbalka shirkadda.
  2. Waxaa jiray eexyo badan dhanka maamulka ka jiray oo mugdi geliyay xukunkooda iyo go’aan ka gaaridda.

Sanakdu markuu ahaa 2004 shirkadda waxay samaysan bulsho iyadu hoostagta waxayna ugu magac dartay ‘SAAXIIB’ ”FRIENDS’ shirkaddu waxay aamin sanayd in ay ku kasban doonto macaamiil badan oo ku xeran mareegteeda sababtuna tahay in qofwalba uu soo jiidi doono asxaabtiisa kuna boorin doono inay shabakaddas kahelayaan aflaam xiiso leh.

Sidee Netflix u awooday inay sii jirto muddo dheer?

  1. Maamulka shirkadda Netflix waxay caawin ladaba taagnaayeen mashaariicda shirkadda samaynayso
  2. Istaraatiijiyadda macaamiisha ayaa macno badan u samaysay, waxayna dhiira gelisay kor uqaadista farxad gelinta macaamiisha.
  3. Hogaanka shirkadda wuxuu door biday inuu arko dhanka wanaagga ee mashaariicda oo uu iska indhatiro dhanka xumaanta maadaama ay rumaysnaayeen qaybta hogaaminta badeecadu in ay u baahan yihiin rajogelin.
  4. Waxay rumaysnaayeen in dhanka fulinta ay ku guuldaraysteen balse aysan ahayn dhanka fikrad abuurka, tusaale hadii aan usoo qaadano wadanka Maraykanka sharci ilaalinta asturnaanta fiidiyoga uu u baahan yahay in lahelo ogolaanso si loola wadaago dadka kiraystay, arinaan wuxuu ahaa mid aysan shirkadda diyaar u ahayn inay lawadaagto xogta, waxayna sababtay inay ka mashquulaan qiimaynta dhabta ah ee bulshada.
  5. Isbarbaryaac dhanka guulaha yaryar ee shirkadda, shirkaddu waxay lahayd astaamo yaryar, astaan walbana waxaa la isticmalay 2% oo macaamiil ah aadna way uga heli jireen isticmaalka adeegyadaas, arinkaan wuxuu jahwareer ku keenay macaamiisha ku cusub ee kusoo biiraya shirkadda, balse dadkii horay ugu xirna ee yaqaanay isticmaalka adeegyadaas aad bay ugu faraxsanaayeen.

Sidee loo xaliyay caqabadaha?

  1. Waxay fahmeen inay u baahan yihiin inay helan fikrado balse aysan u baahneen xog, waxay door bideen inay si wanaagsan u qiimeeyaan fikradaha iyagoo kala dooranaya sida ay ukala mudnaan badan yihiin.
  2. qodobka kale ee ay ogaadeen waa in macaamiisha aysan doonayn in banaanka lasoo dhigo xogta ku saabsan waxay daawadeen iyo goorta ay daawadeen, arinkaan horay way u ogayd shirkadda in macaamiisha aysan doonayn in xogta banaanka lakeeno.
  3. In ladajiyo hadafyo iyo ujeedooyin cadcad, ma aysan lahayn waqti cayiman oo lagu gaaro yoolka, arinkaan waa labadalay oo meesha waa laga saaray waxaana la qorsheeyay waqtiga lagu gaarayo hadafka.
  4. Maamulka waxay aad u danayn jireen inay xaqiijiyaan hadafyada dagsan balse waxay iska indha tiri jireen arimaha soo socda ama markaa taagan, arinkaasna wuxuu sababi jiray dib udhac iyo qalqal kuyimaada shirkadda.
  5. Waxay iska indha tiri jireen qasaaraha lagu galo mashruuc labilaabay oo aan shaqayn kadibna waxay u jeesan jireen inay bilaabaan ama sameeyaan mashaariic kale iyagoo aan waxba kasoo qaadayn qarashaadkii ku baxay mashaariicdii lagu guul daraystay.
  6. Marka lagu guul daraysto in lacag cadaan ah lasameeyo mashruuc lafuliyay waxay shirkadda uweecan jirtay inay samayso mashaariic kale iyadoo loo dhiibayo qoladii ku guul daraysatay mashaariicdii hore.
  7. Mar walba waxaa meesha laga saari jiray mashaariicdii guuldaraystay oo waxaa macaamiisha lagu wargelin jiray in ay soo socdaan mashaariic kale o wanaagsan.
  8. Marka lagu guuldarayso marshuur shirkadda waxay ka saari jirtay mareegteeda, waxayna arinkaan ka heleen waayo aragnimo baahsan.

Intii ay shirkadda ku dhex jirtay ganacsigaaan waxay wax ka baratay qaladaadkii ay soo samayn jirtay. waxayna doorteen inay ka fekeraan maalgelin waqti dheer qaadanaya hadafkuna yahay inay dhisi doonto meel wayn oo lagu madadaasho. caqabadihii soo hareeyay shirkadda waxay uga gudubtay hogaan adag oo xirfad durugsan uleh wax soo saarka.

Netflix hadda waxay bilowday inay sahmiso dabeecaaha macaamiisha kaasoo qimeynaya xogta hadda laga hayo macaamiisha, arinkaan wuxu ka saacidi doonaa inay helaan xog ku filan inay ku sameeyaan mashaariic wanaagsan mustaqbalka.

LASOCO QAYBTA XIGTA

1 thought on “SIDEE MADASHA NETFLIX MARKALE DIB UGU GUULAYSATAY”

  1. Pingback: Dadkii afkii bay wada taageen o la yaabeen odaygu wuxu falay

Leave a Comment

Your email address will not be published.