MA DHAL SHAYDAAN BAA

Mowliid iyo xasan waa laba ssaxiibo ah,maysan ahayn laba si fudud dabeecadahooda isku fahmi kareen waa laba midba midka kale kala siman hanka islaw,eynida, cidiifada, rag iska dhicinta waa laba midba midka kale u ka dhex arkay dabeecad usan midba midka kale ku hogaamin karin, marka kubadda lawada ciyaarayo waa laba mar walba aan isku koox noqon labaduba waa hogamiyeyaasha kooxahooda.

Xasan uma u dulqaato dhibatada u Mowlid u geysto asxaabtisa ay isku kooxda yihiin, Mowlidna sido kale. Inta ay ciyaarta socoto waa labada ugu dagaalka iyo jalaafada iyo cayda badan, mar walba waxaa la arkaa iyagoo foodda is dari raba hadiiba waxaa kala dhex gala inta markaa ugu dhow, awoodaha ku jira kaweyn dibida beeeraha lagu fasho marka ay garka isla galaan, waa laba macan gagiin ah marka la damco in lakala jiido waa lagu rafaada.

Waxaase xal u helay o u fiirsaday Aadan o ah labaduba mid ka madax taagan marki laqaban waayo midkoodi dhibta badan , wuxuu samayn jiray inta gadaal kaso maro ayuu labada garbood gadaal ka geliyaa kadibna isagoo awood ku haya gacmihiisa madaxa kaga qabtaa wuxuna u diida inu dhaqdhaqaaq sameeyo hadii u isku dayo inuu xoog uga fara baxsado wuxuu cadaadis isugu geeya dhanka iyo madaxa isagoo hoos usii dhigaya si usan u baxsan .

Intuu jiido bu ku yirahdaa waan ku sii deyn hadii aad meel fadhiisanayso o ciyaarta qaska ka deyneyso.
Markuu arko inuu xiiqay o sidii u u rafanayay ku daalay bu iska si daayaa. Isaguba wuxu lahaa allow mar kaa samata bixi, inta halkaa is taago un buu isha la raaca asxaabta inteeda kale masii sugo hadiiba ciyaarta ayuu dhankiisa kaga biira.


Dhaqanka iyo bay’ada ay kuwada nool yihiin waa mid laga dareemayo mawjado aad ukala duwan, dhalintu qaybaheeda kala duwan midba waxbu ku mashquula o xiseeya, Mowlid iyo Xasan iyagu waxa ay ugu baxdaa dabaasha, gaari ku dhegidda, kubadda iyo is cayrsIga inta hadba qof lamaago laga cararo, taaso u keenta in halgaad laga si daba tuuro.

Tiise ugu darnayd waxay ku dhacday xasan, isagu lagama waayo masaajidka mar walba, odayaashu waxay u yaqaaniin iblays o intaa wuxu dul wareegaa inamada yaryar e waalid kood salaada usoo raaca marku arko in ay salaada galaan buu sidii gantaal xiimaya bartanka uga soo dhacaa safka ay ku jiraan, mid horay usii dhaca o sii cuskada safka ka horeeya qof ku jiraa ilaa u ku sigto inuu rido ama macawiista ka furo qofkaaa.

Intaa kadib wuxu dhinacyada u riixa labada hareeraha ka xiga isagoo lugaha sii balaarsanaya sida layiri inta talaabtaadu gaadho baa ajar laguu qorayaa. Mararka qaar waxaa dhacda inu salaada cishaha ama maqribadii u soo tuuryo tago masaajidka.
Badanaa Masajidku waa u buuxsamaa salaadahaas waana kulayl saa’id ah waxaana lashidaa maruuxadaha dhamaantood.

Halkaas ayuuba ka howl bilaaba inta halka kabaha ladhigo tago ayuu xayn dacas ah soo urursadaa o meel aan laga arki karin isku lamaaniyaa oo tuuryo la beegsada maruuxadda badanaana wuxuu eegta marka la sujuudsan yahay, wuxuu aad ula eegtaa maruuxada ugu horeysa ama kuwa xiga hadiiba lama waayo , waxaa la arkaa maruuxad wirfinaysa kab aad xawli ugu socota cod aan la aqoona sameysa taaso argagax gelisa jameecada, salaada dhexdeeda waxaad ka maqlaysaa cod cabasho aan kor lo qaadayn qof walba wuxu is leyahay adkeyso salaada yaanan kaa burin e.

Mid ay qadaadka ka qabsato mid dhabarka ay ka sarto mid garbaha ay kaga dhacdo, mid ay lugaha ka haleesho meel uwada fiyow malahan intii salada ku jirtay qayb xanuunkii baa gaaray qaybna shaki baa ka galay waxay u taagan yihiin ama u sujuudsan yihiin, iyadoo atixiyaadki lo fadhiyo o ciil iyo caro ay isla hayn kari la’yihiin baa mar qura cod aan salaam noqsi ahayn imaamki kaso yeeray, imaamkii baa ku qeyliyay Alla Alla igu dhacday . Jamecadii in qososha o salaadi ka baxda iyo in halhaleel u salaam noqsata ayay noqdeen.


Xasan dhiiranaanta ku jirta maba ahan kan wax bi’iyay waa kan qosol qabsaday.
Oday baa inta aad u carooday si halhaleel ah u booday cagta cagta u saaray xasan, odaygii baa sii laacay bakoorad meel qotontay o sii eryaday muusan gaarayn balse xeelad waayo aragnimo ah bu adeegsaday, waxaa usii muuqda xasan o albaaka kusii dhow, inta gacanta ushii ku habaystay buu wax halgaad ah ka daba geeyay xasan o kasii boodaya sallaanka hore e Masaajidka.

Isagoo aan cagaha dhulka la helin baa waxaa labada lugood u galay bakooradii o xawli ku socota waxaa isku biiray awoodi orodka iyo bootinta isku daray iyo xawligii ay bakoorada ku socotay waxay sababtay in sidii xaanshi hawadaa lo tuuray inuu u duulo.
Sidi bac biyo ku jiraan o dhulka lagu so daayay ugu kudhacay geed qodax illinka Masajidka inyar u jiray.
Dhaqdhaqaaq looguma tagin inankii sidi duntiii baa looga so jiiday geedihii u ku dhex dhacay. Afku dhiig baa ka socda, neef weyn buu neefturayaa sibuu u hanqariirayaa wadnuhu aad bu usii garaacayaa, nabarada ka muuqda waxaa usii dheer qodax meel walba jirkiisa fadhiisatay, haba u darnaato e isha midig dhankeeda sare o qori yar kasoo taagan yahay, ileen horaa loo yiri ishu nasiib baa qayb loo siiyay.


Odaygu markuu so eryanayay xayn kuray ah baa so daba yaacday, markii ayse arkeen Xasan o sii duulaya hawada waxay ku qeylinayeen hadalo dadkii Masajidka fadhiga ku haray so wada dareeriyay. Ilinkii baa la isa soo tubay la arag inay mashaqo meesh ka dhacday.


Dadkii afkii bay wada taageen o la yaabeen odaygu wuxu falay.

Waase gartii o hadii usan isagu sameeyeen mid kalaa so eryan lahaa o inta iyo in ka badanba samayn lahaa. Koox dhalinyaro iyo odayaal baa ku yaacay halkii u ku dhaday inanka kana so jiiday waxayna so dhigeen darjiino Masajidku bananka ku lahaa.
Hadiiba waxaa laga saaray shaarki o waxa laga soo guray wixi qodax ka muuqday dhushiisa dhiigii qubanayayna laga gufeeyay.

Cisbitaal Xafadda Ka Dhawaa

Saaxiibki Mowliid war uma u hayo waxa helay saaxiibki Xasan. Goor danbe ayuu ka war helay in Xasan lasexiyay cisbitaal balse aan lo sheegin sababta wuxuse caruurta ka maqlayay in Xasan oday Guure dhib ugaystay hadana u jiifo cisbitalkaa, muusan sii sugan marki u xaqiiqsaday wuuna abaaray. Halkii buu orad maciin biday ileen ma uu haysto wax uu gaari kuraaco ama cid u qaadda cisbitaalka, orod xawli ah buu ordayay waxaase luga xiray kab dacas ahayd oo uu watay baa meel dhexe markuu marayo ka go’day, uma uusan joojinse wuxuu sii watay orodkiisii, marka inta meel sii istaago buu kabtii xarig kusii dhuujiyaa.

Odor iyo daal dheer kadib wuxuu soo gaaray cisbitaalkii, waxaa banaanka cisbitaalka joojiyay waardiyihii oo yiri xiligaan booqasho waa mamnuuc ee dib ulaabo, oo macangag in cabaar ah xiijiyay waardiyihii, inta waardiyiihii xanaaqay buu dhabi meel ugu tiirsanaa soo jiitay laba ku jiiday. Inta is bihinbihiyay buu waardiyihii tuuryo ugu dhaqaaqay, mar hadii loo diiday inuu cisbitaalka galo waardiyihiina is maageen talaa ku cakirantay. waa kuray mar walba dhib ujoog ah xal buuse helaa mar walba uu dhibaato dareemo.

Inta dhanka kale kasoo wareegay buu wuxuu isku soo lamaaniyay gaari cisbitaalka sii galayay, isagoo sii gabanaya ayaa waxaa arkay mid kamid ah waardiyihii kuna qayliyay, hadiiba orod buu ku galay cisbilaalka qaybtiisa gudaha. wuxuu abaaray halka lagu hayo bukaanka markaa la keenay cisbitaalka, marba qol buu sii eegaa illa uu ka helo qolka uu saaxiibkii jiifay.

Markuu gudaha qolka ugalay wuxuse la kulmay saaxiibki o madaxa faashad weyn kaga duuban tahay jirka intiisa kalana ay maro cad ka saaran tahay, so galidiisi Xasan aayadii kuma aysan farxin waxay u aragtay dhal shaydaan oo mar walba waxay inanka aayada utahay kumaagta isaga har Mowliid.

Lasoco Qaybta xigta

Leave a Comment

Your email address will not be published.