WALAALTINIMADU FIICNAA

Orodo walaalkaa kici yuusan iskulka ka daahin e. Waa hadalkii dhagahayga kusoo dhacay markaan hurdada saa uga kacayba. Isla markiiba waxaa isoo gashay Canab o ah gabadha noogu yar reerka. Waxay aragtay inaan soo jeedo waxay isheegtay intii lasoo faray, inta mahadsanid iri baan dhinaca kale isku rogay.
Canab intaa markaan iri o aan dhinaca kale isku rogay bay sariirta dhinaca kale inta kaga istaagtay ku boodbooday o ku celcelisay iskuulkii waad ka daahday kac o kac.

Si caro leh inta ubooday baan cayrsaday Iyadoo qaylinaysa hooyo gadaal ka martay.
Hooyaa itiri war maxaad ka rabtaa gabadha kaa yar, asxaankii miyaa saa isku badalay!! intay iskuulkii kuu kicisay baad ugu abaal gudaysaa caro iyo inaad cayrsato.
Nin weyn baa tahay xishood. Halkii aad reerka adiga utoosin lahayd salaada baa adiga laguugu baryaya iskuulka ukac. Wax lagu qasaaray baa tahay orodoo wax isku fal.
Maya hooyo waxay ku boodboodaysay sariirta anna sida baan usoo cayrsaday.

Marwaan waa dhalinta sanadkaa u fadhiisan doonta imtixaanka guud ee dugsiyadaa sare, isagu wax saas uweyn uma uu arko imtixaankaasi sababto ah waa nin soo dadaali jiray intuu dugsiga dhiganayay, balse asxaabtiisa waa kuwa mar hore magaalada ka fadhiistay o qolal isku soo xiray, cabsida aad ugu badatay qaarkood waxayba ilaaween waxyaabihii nolosha daruuriga u  ahaa sida qubaysa (mayrashada) waa rag habeenki waqti danbe ku gaara wax aqriska aroortiina ukalaha iskuulka.ısaguse wuu ka duwan yahay dadka aan aqoon waxay u haystaan qof saaqıday o aan ıskuul ıyo ımtıxaan wax saasa xırıır aan la lahayn.
aqoonta maskadısa ku jırta ıyo da’da uu jıro cıdı ıskuma qıyaası karto.

Marwaan inta markiiba qolkisa ku noqday buu caday iyo shukumaan so qaatay o qubays haleelay.
Hooyo marnaba ma ahan qof ilmaheeda uurka wax ugu qaada markiiba gabadhii yareed inta u yeertay bay tiri hooyo kaalay walaalka quraacda u gee.
Gabadhii baa tiri hooyo wuu idilayaa hadaan qolkiisa mar labaad ku noqdo.

Hooyadiiba Inta aayar gacanta usoo qabatay ku tiri hooyo waa walaalkaa kudili maayo e orodoo u gee.
Haye intay tiri bay alaabtii soo qaaday o qolka u dhigtay.
Soo bixidii ay qolka kasoo baxaysay baa  waxaa ka horyimid Marwaan, intay baqday bay hadalkii celcelisay o tiri hooya quraac ugee itiri qolkaaga maanan soo gali lahayn.
Intuu ku qoslay buu ku yiri baayo kuma dilayo e waxba ha iga baqin.
Waxaan markii dhawayd kuu soo cayrsaday waad ogtahay adiguba. Hadii aad si quman u dhaqanto aniga si wanaagsan baan kuula dhaqmayaa.

Kaalay inta yiri buu dhunkaday o ku yiri hadaan walaashay iga yar iska dilo yaa walaal ila noqonaya.
markıı hore cabsı bay la fadhıday kuna haysay allow mar un ıga saar qolkaan balse iyadoo faraxsan bay qolka kasoo baxday.
Marwaan inta labistay buu quraacday o buugagtisi sii qaatay.saacadii buu eegay mise wuuba daahay, qolkii si halhaleel ah uga soo baxay  Hooyadiina ku yiri Hooyo macaan  waan tagay nabadeey.
Wuusii cararay albaakina si xoog ah usii xiray.

Wuxuu soo istagay halkii u ka raaci lahaa gaarigii iskuulka. Hadusan soo ordi lahayn marnaba ma dhici lahayn inuu gaariga raaco. Waxaa ka muuqda dhidiid fara badan waxaa lamooda inuu saako dhan ordayay lakin saa maysan ahayn. Durba wuxuu fadhiistay kursi dhankaa iyo gadaal ka banaana. Waxay ku wada fadhiisteen dhowr. Halkii baa kaftan ka bilowday iyo dacaayad. Waxay sheekadii socotaba waxay soo gaareen iskuulki. Gaariga waa kii ugu danbeeyay o kusoo xarooda xerada iskuulka. Ardadu waxayba diyaar ku ahaayeen halkii safka lagu gali jiray, maalintaa  waxaa ku qorna safka fasalo kale. Sida caadada u ah iskuulka subaxdii alle keenaba fasal baa soo jeedin jiray ………..
Maanta se waxay uga duwan tahay waxaa weeye waxaa booqasho ku yimid wadaado doonayay inay ardada ku baraarujiyaan diinta.
Hadalkii waxaa bilaabay maamulihii dugsiga isagoo si muunadi ku jirto usoo dhaweeyey wuxuuna raaciyay inuu jeclaan lahaa ardada mid kamid ah inuu aayadaha quraanka ku furo dacwada diinta. Intuu saa isha uwada mariyay buu yiri Marwaan kaalay o inogu fur ayadaha quraanka.
Muusan filayn inuu noqon doono qofka maanta halkaa istaagaya, inta istaagay bu halkii tagay, markiiba waxaa losoo taagay cod baahiyihii, wuxu aqriyay dhowr aayad o ka hadlaya xaqqa waalidka.  Markii uu dhameeyay bu iska soo fadhiistay halkisi.

Dhanka kale waxaa sheeda kala socday dhamaan gabdhihii iskuulka o u arki jiray inuu yahay qof saaqid ah, subaxaasi qof walba waxay ku noqotay wax layaableh waayo muuqisa iyo maskaxdisa waxa ka buuxa inaysan is lahayn. Cajiib ileen ruuxdu waa wax cajiib ah qofba sibay ula dhaqantaa tiisu waxay uga duwaneed tan dadka kale waxaa weeye inuu lahaa qalbi nadiif ah dareensan wixi loo unkay gartayna xaqa iyo waajibka ka saaran dunidan.  Subaxaa waxay u noqotay maalin dadkoo dhan kula hadlaan wixii qalbiyadooda ku weynaa.
Waxaase layaab kunoqotay markii uu arkay xayn gabdha ah si guud ugu hanbalyeeyay.

Lasoco qaybaha kale ……

Leave a Comment

Your email address will not be published.