MAXAAD KA TAQAAN SHIRKADDA AIRBNB EE GURYAHA KIRAYSA

Shirkadaan waxaa la bilaabay sanadku markuu ahaa 2007 waxaana bilaabay Joe Gebbia iyo Brian Chesky, kulankoodii ugu horeeyay waxay ku kulmeen iskuulka naqshadaynta ee lagu magacaabo Rhode School of Design, labadaan nin waxaa isku soo qasbay danta oo ardayda dhigata iskuulka waxaa ku adkaa inay shaqsi ahaan u kiraystaan guryo oo waxaa qaali ku ahaa kirada guryaha.

kirada guryaha oo aad u qaali ahayd darteen waxay ku qasbanaadeen inay maskaxda tuujiyaan oo ay raadiyaan hab ay ku bixin karaan kirada guriga, waxay la yimaaden fikrad ah in ay kireeyaan aqalkooda qaybka fadhiga oo waxay soo dhigeen furaash hawo ka samaysan, waa furaash bac hawo lagelinayo kadibna noqonaya furash dhamaysiran waxayna macaamiishooda u diyaariyeen quraac iyo furaash.

Bishii Febraayo ee 2008 waxaa kusoo biiray Chesky saaxiibkii Nathan Blecharczyk, waxayna halkaa ku yagleeleen madahasha loo yaqaan Airbedandbreakfast.com waqtigu markuu ahaa August 11 2008 sababtuna waxay ahayd in waqtiyada shirarka magaalada ka dhacayaan ay adkaan jirtay in lahelo Huteelo ladago, macmiilkoodii ugu horeeyay waxay soo dhaweeyeen saxaagagii 2008 oo uu furmayay shir Industrial Design Conference, arinkaan wuxuu usahlay inay sadexdaan saaxiib inay lacag iyo magac ka sameeyaan adeegooda.

CAQABADIHI AY LA KULMEEN AIRBNB

Markii ay magac wanaagsan kasoo hoyeen adeegyadii ay dadka u qabanayeen ayay go’aan sadeen inay wax ka badalaan mareegtooda, waxay aad u fududeysay habka loo kiraysanayo oo ay ka dhigtay wax saddex taabasho ku eg, markii ay wax daban ka badaleen habka mareegta u shaqaynayso oo ay u yeeleen muuqaal wanaagsan waxay la kulmeen 15 maalgashadayaal balse waxaa ka hiiliyay nasiibka oo ma aysan helin cid maalgashata, dayn aad u fara badan oo lagu lahaa shirkadda hadana kama aysan quusan oo markale waxay dib u bilaabeen fikrad kale markii laqabanayay shirwaynaha Dimuqraadiga ee qaranka sanadku markuu ahaa 2008.

Waayo aragnimadii hore ay ka dhaxleen bilowgii shaqadaan waxay garawsiisay in dad badan ay helayaan hotelo ay kusoo dagaan, shabakadii ay sameeyeen iyana wax qarash masoo gelin jirin, waxay ku qasbanaadeen inay fikrad cusub nashqadeeyaan taasoo ay uga qayb qaadanayaan doorashooyinka wadanka, waxay nashqadda u ekaysiiyeen musharaxiinta utaagan doorashooyinka waxayna iibiyeen nashqadahaas oo ay ku jiran waxa loo yaqaan Cereal oo quraac ahan loga cuno wadamada galbeedka, waxay iibsheen kartoonkiiba 40$, waxayna ka sameeyeen dagli gaaraya 30.000$.

WADADII GUUSHA

Bishii Maarso sanadku markuu aha 2009 waxay go’aan ku gaareen in magaca shirkadda ee ahaa Air Bed and Breakfast inay ku badalaan AIRBNB waxayna meesha ka saartay halkudhigoodii ahaa Joodari iyo quraac, bilo gudahood waxay ku heleen maalgalin gaaraysa 600.000$ , sadexda saaxiib ee ku shirkowday shirkadda waxay wax badan ka barteen mareegtoodii waxayna wax badan ka badaleen madashooda waxayna ka dhigeen mid aad u fudud.

Sanadku markuu ahaa 2011 aad bay u kobocday xiligaan hadda lajoogo waxay ka hawl gashaa in kabadan 220 wadan, waxayna marti gelisay in kabadan 4 Milyan oo qof, markii la arkay xowliga ay kusocoto shirkadda isla sanadkii 2011 waxay heshay maalgelin gaaraysa 112$ Milyan Dolarka maraykanka. Shirkadaan waxay lasoo kulantay caqabado badan balse isma aysan dhiibin ugu danbeyn waxay heshay maalgelino kala duwan waxayna ka mid noqotay shirkadaha ugu waawayn dunida xiligaan lajoogo waxaa lagu qiyaasaa inay hanti dhan 113 Bilyan Dolarka maraykanka haysato.

Intaas oo dhan waxaa ka caawiyay inay helaysay sumcad joogto ah waxayna u horseeday inay maalgelin dheeri ah ka hesho shirkado kala duwan, maalgelintaas waxay gaaraysay 450$ Milyan Dolarka Maraykanka, shirkada maalgeliyay waxay kala ahaayeen TPG Capital, Andreessen Horowitz, Sequoia Capital, Dragoneer Investment Group, maalgelintaan xoogga leh waxay heshay sanadku markuu ahaa 2014, laba sano kadib 2016 qaybta hore ee sanadka waxay soo xaraysay daqli kabadan 80% waxayna heshay 200$ Milyan Dolarka Maraykanka.

MAXAAN KA BARAN KARNAA GUUSHA AIRBNB

Sheekadan kasoo bilaabatay qol kuyaalla magaalada San Francisco waxay noqotay shirkadaha ugu mugga wayn dhanka adeegga dajinta macaamiisha doonaysa inay helaan guryo ku haboon oo ay waqti gaaban ku qaataan inta ay fasaxa u joogaan magaalooyinka ay usoo socdaaleen, shirkadaan bilowgeedi waxay wajahday caqabado badan balse isma aysan dhiibin oo waxay mar walba raadinayeen inay gaaraan hadafka shirkadda, waxay arkeen in guuldara ay tahay cashar laga baran karo qaladaad horay udhacay kadibna loo badali karo qaladkaas guul, wayna ka mira dhaliyeen qaladaadkii ay ka barteen inta ay wadeen mashruucaan.

Ugu danbayn waxay heleen dhaqaale ay ku hormarin karaan ganacsigoodaan curdanka ah, mudo gaaban kadibna waxay soo hoyeen magac iyo dhaqalaba, waqtigaan lajoogo shirkadda AIRBNB waxay shaqaalaysiisay 6,132 (Decamber 2021).

Leave a Comment

Your email address will not be published.