Melanie Perkins ma ahayn qof  ku cusub hal abuurka ganacsiga oo yaraanteedii markii ay jirtay 14 waxay go’aan ku gaartay inay iibisho cimaamadaha /  marada qoorta lagu xirto xiliyada qabowga waxayna ka iibin jirtay dukaamada iyo suuqyada magaaladeeda ku yaal. hal abuurkeedi kama aysan tagin markii ay dhamaysay dugsiga sare, markii ay jaamacadda Western Australia taqasuskeeduna ahaa Communication bilowday waxay wax u dhigi jirtay ardayda  ku dhibaatoonaya isticmaalka Graphic Design, halkaasna waxaa uga baxay in loo baahan yahay wax aad u fudud oo ardayda isticmaali karaan waana halka ka bilaabatay fikradda Canva.

Xiligaas ardayda iyo dadka ku shaqeeya Graphic Design aad bay ugu dhib qabeen isticmaalka iyo helidiisaba, ardayda waxay ku qaadan jirtay inay lacag lagu baran karo hal xilli fasaleed ku baxshaan gadashada aalaadda loo isticmaalo nashqadaynta, Melanie waxay ka fekertay in mustaqbalka uu noqon doono mid lawada heli karo aadna u fudud oo lagu isticmaali karo qaab Online ahaan ah.

Waxay dhistay madal aadan u baahanayn inaad leedahay qibrad aad ku dhisto fikirkaaga nasqadaynta, Melanie Perkins waxay aad uga warhaysay in ay waqti badan ka qaadatay inay nashqadayso buugga sanadlaha ah ee ay soo bandhigto, intaa kadib waxay ku dhiiratay inay tijaabiso fikradeeda, waxay si aad ah ugu xaydxadatay inay ka dhabeyso fikradeeda waxayna ka hartay jaamacadda si ay u hirgeliso ‘Fusion Book’ waxaana ka caawinayay saaxiibkeed Cliff Obretch.

Fuison Book waa in la isku nashqadeeyo buug kadibna laga soo saaro wax dhamaystiran, mashruucaan Fusion Book wuxuu ardayda iyo iskuuladaba u sahlay in ay samaystaan buug la isku keenay oo iyaga gaar u ah, madashaan waxay lahayd hab isticmaal aad u sahlan iyo maktabad wayn oo lagu kaydiyo nashqadaynta  qofkana wuxuu ka heli karay sawiro, far qoraal kala duwan, iyo nashqado, ganacsigoodaan waxaa saldhig u ahaa Perkins guriga hooyadeed balse adeegooda wuxuu gaaray dhamaan wadanka Australia. Shan sano gudahood Fusion Books wuxuu gaaray hormar aad u baaxad wayn oo wuxuu ka talaabay Australia oo uu gaaray wadamada kala ah New Zealand, France welina wuu shaqeeyaa barnaamijkaan.

WADADII SILICON VALLEY

Saan horay usoo aragnay waxay Melanie Perkins ka guul gaartay barnaamijkeedii Fusion Books, balse halkaa keliya niyadeedu kuma aysan ekayn oo waxay doonaysay in ah  dhamaan gaarto xayndaabka nashqadaynta caalamiga ah oo dadka ay u fududeyso inay samaysan karaan nashqadaha ay iyaga doonayaan, waxay isku dayday inay maalgelin u hesho mashruuceeda balse waxay diidmo ka heshay in kabadan 100 maalgeliyeyaal.

waxay xayndaabka jebisay sanadku markuu ahaa 2010 markaas oo magaalada Perth lagu marti gelinayay tartanka hal abuurka, waxay la kulantay maalgeliyaha layirahdo Bill Tai oo ahaa garsooraha tartankaas, saas oo ay tahay Perkins ma ahaysan ahayn tartame balse waxay meesha ujoogtay inay riyadeeda xal u hesho waxayna la kulantay maalgeliyahaas.

Waxay waqti gaaban isku heleen Bill Tai, sheeko gaaban kadib wuxuu ku yiri waxaad iskugu kaaya keentaa California kadibna halkaas aan kuwada sheekaysano, isla markiiba waxay goosatay tigid diyaaradeed waxayna ku kulmeen California, waxay soo saartay warqadihii ay ku xardhanaayeen qorshaheeda, malaheeda iyo waxay ay meesha ku aragtay waxay istiri umaba soo jeedo qorshahaaga kamana uusan helin, way iska soo tagtay gurigeedina timid, intaa kadib Bill wuxuu Perkins ku casumay barnaamijkiisa MaiTai oo ah   looxaanta lagu ciyaaro badda hirarkeeda, dan taada maqaar eey baa loogu seexda baa horay loo yiriye Perkins waxay markiiba baratay sida looga qayb qaato ciyaartaa hirarka lagu ciyaaro.

Intaa kadib Perkins waxay samaysan inay isku habayso koox farsamo yaqaaniin ah, balse ma aysan lahayn lataliye dhanka Technology-adda, Bill wuxu Perkins baray qayb ka aasaasaha mashruuca qariiradda Google ee layirahdo Lars Rasmussen, mashruucaa ay wadatay oo aan waqti xadidan lahayn darteed waxay ku qaadatay inay hesho Engineer ku haboon shaqadaan mudo sanad ah. waxay sabraan oo ay sugaan Engineer ku haboon shaqadaan waxay ugu danbeyn heleen oo kusoo biiray  Cameron Adams iyo Dave Hearnhed, labaduba waa shaqaale hore ee shirkadda Google. 

SIDEE LAGU MAALGELIYAY CANVA

Canva waxay uruurisay maalgelin gaaraysa $1.6 Million oo ka lala imaatay maalgashadeyaal ukala dhashay Australia iyo United States Of America, waxayna maalgelintaas ka kala timid shirkadaha kala ah Matrix PartnersInterWest Partners, iyo shirkado kale, sidoo kale Canva waxay maalgelin ka heshay dowladda Australia oo ugu deeqday lacag dhan $1.4 Million ujeedkuna uu yahay in laxaqiijiyo in shirkadaan ay ka howl gasho gudaya Australia,  intaa kadib waxaa hawada lasoo geliyay shabakadda Canva.

Sanadku markuu ahaa 2014 mar kale shirkadda waxay heshay maalgelin kale oo katimid Thiel’s Founders Fund iyo Shasta Ventures. Sidoo kale shirkadda waxay heshay maalgelin gaaraysa $200 oo ka dhigaysa shirkadaha ugu qiimaha badan marka loo eego dhanka shirkadaha suuqa ku cusub 

Markii shirkadda Canva suuqa soo gashayba bishii ugu horaysay waxay heshay macaamiil gaaraya 50.000 waxaana arinkaa ka saaciday baraha bulshada oo usahlay inay xayaysiin u sameeyaan shirkadooda, sanadku markuu ahaa 2014 shirkadda waxay gaartay 600.000 macmiil, waxayna sameeyeen 3.5 Milyan oo nashqadood iyagoo isticmaalaya adeega Canva, waana wax looma qaataan ah in shirkad mudo gaaban jirtay inay saa samayso.

Sanadku markuu ahaa 2015 shirkadda waxay soo kordhisay adeeg cusub oo  qiimihiisu yahay $10 waxayna awoodda saarayeen shirkadaha iskaashatada ah waxayna u sahlaysay inay helaan adeeg tayo sare leh oo ay ka heli karaan malaayiin nashqadood oo ay u isticmaali karaan suuqgayntooda iyo kor uqaadida shirkadahooda.

Qodobka kale ee la is oran karo kor buu uqaaday waa in shirkadaan adeegeeda uu ku salaysan yahay barta internet ka, kana sahlan barnaamijyada kale ee wax lagu nasqadeeyo wayna kaga jaban tahay dhanka maaliyadda marka loo eego, adeegeeda waxaa isticmaali kara qof walba kumana dhibtoonaysid isticmaalka.

 

Waa su’aale maxaan ka baran karnaa dulucda sheekadan kasoo bilaabatay fikradda Gabadh layirahdo Malenie Perkins oo ku noolayd cariga Australia, wax walba oo loo dhabar adeego waa lagu guulaystaa, waxaan horay usoo aragnay in shirkado maalgelineed oo gaaraya in ka badan 100 ay diideen balse aysan is dhiibin, si ay u hesho ama usoo bandhigto fikradeedii waa tii tagtay meesha lagu soo bandhigayay tartanka ujeedkeeduna uu ahaa inay la kulanto maalgeliyeyaasha iskugu yimid ee doonaya inay fikrad cusub ka helaan wax soo saarka meesha lagu soo bandhigayo. waa tii ay la kulantay garsooraha tartanka Bill wuxuuna ku marti qaaday wadanka Maraykanka kadibna halkaa kama aysan helin wixii ay doonaysan oo waxay isku dayday inay soo jiidato bil oo ku casumay tartanka badda ee looxaanta lagu ciyaaro, waxay ku qasbanaatay inay si dagdag ah ku barato si ay ugu dhawaato Bill.  Ujeedkuna wuxuu ahaa in dantaada meel walba loo galo si aad guul uga gaarto wixii aad rabtay.